• Mourinho: Waxaan La Joogi Doonaa Inter 99%

Waxaan la la sii joogi doonaa kooxda Inter 99.99%, laakinse tababaraha Real Madrid wuxuu noqon doonaa qof nasiib leh sidaa waxaa yiri tababaraha kooxda Inter Josè Mourinho oo isaga wax laga weydiiyay halka uu aadi doono xilli ciyareedka soo socda.

Waxaa beryahanba isa soo tarayaa wararka sheegaya in kooxda Real Madrid ay si weyn u raadineyso Mourinho. Iyadoo weliba diyaar la eh 7 Milyan Euro oo ah lacagta laga doonayo Murinho haddii u go'aansado inuu Jebiyo heshiiska Inter uu kula jiro.

Arrintan ayaa waxaa si weyn uga carooday guddiga kooxda Inter oo sheegay in Real aaney xaq u lahayn iney si toos ah ula xiriirto Mourinho iyagoo aan soo marin kooxda Inter ee uu haddeer ka tirsan yahay.

"WAXAA MUHIM AH FARXADDA" - Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Waa run in kooxda Real Madrid ay tahay koox tababare kasta jeclaan lahaa inuu tababaro. Laakin noolasha waxaa ugu muhimsan farxadda anigana halka waan ku faraxsanahay. Maalin kasta waxaan imadaa tababarka anigoo faraxsan, ciyaartooyda oo dhanna sidoo kale.

"MORATTI MUXUU YIRI?" - Milkiilaha kooxda Inter Moratti ayaa mar wax laga weydiiyay arrinta wuxuu ku jawaabay: Tababare Mourinho waa qof ballan leh wuxuuna ii ballan qaaday inuu nala sii joogi doono. Sidaa awgeed ma jiro waxkale aan ku sii dari karo arrintan

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line