• Waxqabadka Dhallinyarada Waa Horumarka Bulshada


Haddii aad u fiirsato waddamada hore u maray, waxaad arkeysaa iney goorkasta ku da’dalaan sidii ay wax ugu qaban lahayeen dhallinyarada soo koreysa.
Sababta ay taasi u yeelayaana waxay tahay iyagoo og in dhallinyardu ay yihiin udubka ama
lafdhabarka horumarka bulshada.

Umad waliba waxay ummadda kale kaga hormartaa hadba heerka waxbarasho ay gaarsiisan tahay dhallinyaradooda.

Maalmahan dambe ayaa waxaad moodaa in Soomaalida ay fahantay arrintan, iyagoo u soo jeestay waxqabadka dhallinyarada.


Dad iyagu iskooda isu xilsaaray ayaa waxay sameyeen dhowr meel oo lagu tababaro dhallinyarada. Haddii ay ahaan lahayd ciyaarta kubadda cagta iyo kolleyga intaba.

Ulajeedada ugu weyn ee laga leeyhay tababaradan ayaa iyadu ah, sidii dhallinyarada loogu soo jeedin lahaa dhanka sportiga, lagana hortago anshax xumada iyo waqtiga ay ku luminiyaan waxyaabo u horseedi kara iney ku dhamadaan xabsiyada.


Wargeyska Somali Canadian Times ayaa wuxuu booqasho ku tagay “CYDMS” Centre for Youth Development & Mentoring Services oo ka mid ah goobaha lagu tababaro
dhallinyarada.

Waxyaabihii ugu horeeyay oo ay indhaheeyga qabteen ayaa wuxuu ahaa dhallinyaro gacanta kuwada sita waraaqooyin. Markii aan weydiiyay bal waxa ay yihiin waraqooyinkan ay sitaan ayaa waxay i sheegeen iney ka shaqeynayaa shaqo guri “Home work”.

Inyar kadib markii aan halkaasi sii joogay ayaa haddane waxaan arkay iyadoo dhallinyaradan ay bilaabayaan tababarkoodi kubadda kolleyga ah.


Waxaan markiiba dareemay in howsha CYDMS aysan ahayn oo keliya in dhallinyardan la tababaro ciyaarta kubadda kolleyga balse ay arrintu intaa ka sii fog tahay.

Haddaba si aan warbixin dheeraad ah uga helo ulajeedada CYDMS iyo waxa ay qabtaan, ayaa waxaan la sheekeystay Sadiq Alihashi iyo Abdifatah Marayare oo ka mid ah tababareyaashii goobtaasi joogay.

Abdifatah Marayare oo ku hormaray hadalka ayaa wuxuu ii sheegay in aas-aaska CYDMS ay iska kaashadeen Sadiq Alihashi, Ali Sheikh Abukar iyo isaga. Haddana waxaa ku soo biiray oo tababareyaasha ka mid ah David Allen oo ku magac dheer “DB”.

Abdifatah oo hadalkiisa sii wata ayaa ii sheegay in ulajeedadooda ugu weyn aysan ahayn iney dhallinyaradan ay baraan sidii loo ciyaari lahaa kubadda, balse ay
kubadda u adeegsadaan iney dhallinyaradan ku soo xero geliyaan.

Ulajeedada ugu weyn ee CYDMS waxay tahay in dhallinyarada laga soo leexiyo jida xun, isla markaana loo horseedo lagana dhaadhiciyo in waxbarashada ay tahay waxa keliya
oo ay horumar ku gaari karaan.
Abdifatah oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay iney aminsan yihiin waxa ay ugu yereen: The 4C Formula: Confidence, Character,
Competence & Contribution. oo ah in dhallinyarad laga dhiso dhanka Kalsoonida, Dabeecadda, Kartida iyo iney kaalin wax ku ool ah ka geystaan horumarka jaaliyadda
iyagoo ugu deeqaya fikrad, waqti iyo xirfaddooda dabiiciga ah.

Sadiq Alihashi oo isaguna ka jawaabay su’aasha ahayd waxa ku dhaliyay iney dhallinyaradan wax u qabtaan ayaa wuxuu yiri: Aniga waxaan imid waddankan anigoo aad u da’ yar waxaana ku soo koray guri dowlad. Waalidkeeyga ma ahayn dad lacag leh.
Waxaan maalinkasta arki jiray dhibaatada ay leedahay faqriga iyo qaxootinimada. Waxaa intaasi ii dhereyd inaanan heysan qof iga gacan qabta dhanka waxbarashada.
Waxaan xasuustaa anigoo dhiganaya fasalka 9aad inaan qaadan jiray daruus aan ugu diyaar
garoobayo inaan dhigto College.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhallinyaro aan saaxibo nahay igu yirahdeen Sadiq maxaad u qaadaneysaa daruustan lagu aadayo college adigoo qaadan kara daruusta
lagu aadayo Jaamacadda? Waxaan u sheegay in macallinkii dugsiga uu sidaa igula taliyay.

Marka sidaad aragto cung yar oo 14 ama 15 jir oo meelkasta lagala dagaalamayo, haddii uusan heysan qof la taliya aad iyo aad ayay ugu adkaaneysaa inuu jidka saxda ah ku
socdo. Aniga waxaan jeclaan lahaa inaan haysto qof ila taliya ii sheega muhimadda
ay leedahay waxbarashada.

Nasiib darro waxbarashada waxaan u so maray jid adag, waxaana dhameeyay anigoo kufaya oo dhacaya. Haddaan u soo laabto jawaabta su’aashaadi ahayd sababta nagu
dhalisay inaan dhallinyaradan wax u qabano waxay tahay innagoo rabna inaan ugu faa’iideyno waayo aragnimadeena, una horseedno jidka toosan kuna dhiirigelino iney
waxbartaan. Dhaamteena waxaan aminsannahay in waxa keliya oo ay Jaaliyadda Soomaalida kaga bixi karto faqriga uu yahay in dhallinyardeena aan ku dhiirigelino iney waxbartaan, isla markaana aan gacan ku siino.

Sadiq ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in qofkasta oo Somali ah ay waajib ku tahay inuu
dhallinyarada wax u qabto.

CYDMS si ay u dhiirigeliyaan dhallinyarada ayaa waxay hadba
isku dayaan inay soo marti qadaan qof ay is leeyihiin dhallintan wey ku daysan karaan sida Sheekh diinta ku waaniya, qof horumar ka gaaray dhanka waxbarashada iwm.

Anthony Simms ayaa ka mid ah dadkii ay CYDMS soo casumeen.
Mr. Simms waa ciyaartoogii ugu horeeyay oo madow ah, ee u ciyaara xulka qaranka kubadda kolleyga ee dalka Canada, isagoo weliba kabtan u noqday the Canadian Olympic
Basketball. Sidoo kale Mr. Simms wuxuu ka mid ahaa ciyaartooyda NBA ee kooxda New York Knicks.

Mr. Simms ayaa ciyaartooydan u yimid labo maalin. Maalinta kowaad wuxuu u sharxay
in qofkata oo da’daala uu gaari karo meesha uu tiigsanayo. Mr.Simms ayaa u sheegay
dhallinyaradan inuusan si sahal ku gaarin meesha uu rabay inuu gaaro balse uu iska dhaadhiciyay haddii uu da’daalo inuu gaari karo.

Maalinta labaad ee uu Mr.Simms u soo laabtay dhallinyaradan ayaa tababar dhanka kubadda kolleyga ah siiya.
Mr. Simms ayaa runtii ah qof aad ugu fiican sida dhallinyarad niyadda loogu dhiso loona dhiiri geliyo. Marka uu la hadlayo ciyaartooydan ayaa waxaad arkeysaa iyagoo
aad u xiiseynaaya aadna isugu dayay iney sameyaan waxa u kula talinaayo.

CYDMS waxay hadda gacanta ku hayaan dhallinyaro wiilal oo keliya
ah, balse waxay ku talo jiraan iney sidoo kale goor dhow ay tababar u bilabaan gabdhaha.

Dhanka kale waxaa CYDMS gor dhow ku soo biiray Nura Adam, Deqa Mohamed iyo Muna Hassan oo dhamaantooda ka soo qalin jabiyay Jaamacddo iyagoo si iskaa wax u qabso ah (volunteer) dhanka waxbarashada ay dhallinyaradan gacan ku siin doonaan.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca





 


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line