• Garsoore Mohamed Farah Oo Ku Soo Laabtay Toronto

Garsoore Mohamed Farah "Debdamis" ayaa ku soo laabtay Toronto isagoo booqasho ku soo kala bixiyay waddamo dhoor ah. Mohamed Farah ayaa wuxuu ka mid ahaa wafdigii hogaaminyay kooxda London Stars ee ka dhisan magaalda London ee waddanka Ingriiska oo ciyaar saaxiibtinimo u tagtay waddamada Gambia iyo Jabuti.

Mr. Farah ayaa aad u amaanay una mahadceliyay bahweynta sportiga ee London sida diiraneyd ee ay u soo dhaweyeen intii uu booqashada ku joogay halkaasi.

Garsoore Mohaemd Farah oo ka mid ah madaxda uruka qaban qaabiya ciyaaraha xagaaga ee la magac baxay Toronto Somali Week ayaa waxaa garoonka diyaaradaha pearson airport ee magaalda Toronto si weyn ugu soo dhaweeyey qaar ka mid ah bahweynta sportiga ee reer Toronto oo ay horkacayeen Mukhtar Cuti, Oday Mursal, Axmadey B. Iyo Mohamed Busuri.

Goor dhow ayaa waxaan idin soo gudbin doonaa wareysi dheer oo aan la yeelanay Garoosre Mohamed isagoo ka hadlaya arrimo dhowr ah iyo weliba waxyaabihii uu kala soo kulmay waddamadii uu booqashada ku tagay.

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;