|
Ciyaar ka tirsan Today Ramadan Cup qeybta dhallinta cuslaatay ayaa waxaa isaga hor yimid koox uu hogaaminayo Cadde oo ah milkiilaha Karur Restaurant iyo koox uu abaanduule u ahaa milkiilaha Banadir Restaurant Guddoomiye Nuuraye. Labadan kooxood ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo ay si weyn ugu riyaqeen dadkii u soo daawashada tagay. Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhamaatay 1-1. Markii leesugu soo noqday qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa labadan kooxoodba ay weerar isku qadeen.
Kooxda Mr. Cadde waxay helaan dhowr fursado oo qaali lah laakin intaba waxay ka dhigeen hal bacaad lagu lisay. Markii ay ciyaarta ka harsan tahay in ka yar 2 daqiiqo ayaa Mr. Nuuraaye kooxdisa ay dhalisay goolkii 2aad, sidaana ay 2-1 guusha kula hooyatay. Waxaa xusid mudan in kooxda Cadde ay la soo shirtageen ciyaartooy aad u tiro badan, hase yeshee waxaa nasiib darro noqotay inaan laga faa'iideysan tirada ciyaartooydan. Kooxda haddii ay heysato ciyaartooy fara badan waxaa ciyaartooy kasta waajib ku ah inuu nafta dhul dhigo intuu garoonka ku jiro, markii uu daalana uu isaga soo baxo, si uu fursad u siiyo ciyaartooyga dibadda jooga ee nastay. Nasiib darro taasi ma dhicin oo waxaad arkeysay in ciyaartooy badan iyagoo daalan ay garoonka isaga jireen iyagoo weliba socod ku ciyaaraayey. Taasi waxaa daliil cad u ah labada gool ee laga dhaliyay kooxda Cadde. Labaduba waxaa dhaliyay ciyaartooy keligii goolka hortaagnaa. Halka ciyaartooyga laga rabay inuu raaco uu garoonka dhexdiisa isaga soo lugeynaayey. Inkastoo kooban loogu magac daray koobka dhallinta cuslaatay islamarkaana loogu talo galay iney ciyaraan oo keliya ciyaartooyda ay da'dooda ka sareyso 38 jir. Haddana waxaa garoonka ka dhex muuqday dhow ciyaartooy oo aad u da' yar. Haddii ay arrintu sidaan ku sii socoto waxaa hubaal ah in kooxkasta ay la soo shirtagi doonto dhow ciyartooy oo under 20 ah. Markaana waxay noqoneysaa in magaca koobka laga beddelo ee loo bixiyo koobka Under 20 Hilac oo ka taqalustay Somali Stars iyo All Stras oo quuisay Hamilton Dhanka dhallinyarada Today Raman Cup. kooxda Hilac oo hore u lahayd 3dhibcood ayaa haddana seddax kale ku darsatay kadib markii ay Somali Stars si xarago leh kaga badisay. Kooxda All Stars ayaa iyaguna ciyaar aad u qurux badan soo bandhigay, iyagoo kooxda Hamilton si fudud ku maray. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|