• Farah Oday, Bruno, Shiikha & Da'uud oo kusii socda Somalia

Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayso shabakadda isboortiga ee xiddigaha .ca ayaa sheegaya in qaar ka tirsan mas’uuliyiinta iyo tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga oo ku nool qurbaha iyo macallimiin iyaguna takhasus fog u leh kubadda koleyga iyo cayaartooydii hore ee barisamaadka ay u socdaalayaan sannadkan cusub ee billowday 2016ka dalka Somalia si ay aqoon kororsi ugu fidiyaan macallimiinta iyo cayaartooyda ku nool gudaha dalka soomaaliya.

Macallimiintan ayaa sida la ii sheegay tagi doona magaalada Muqdisho iyo dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira oo ay tababaro isugu jira theory iyo Practical ay ka bixin doonaan.

Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga ayaa iyaguna la ii sheegay inay diyaargaroow weyn ugu jiraan soo dhaweynta macallimiintaasi.

Wixii soo kordha dib ayaan idiinkula soo sococodsiin doonaa, annaga oo waraysiyo safarkan ku saabsan kala yeelanayna madaxa xulalka qaranka Faarax jaamac Nuur iyo rug cadaaga Isboortiga Macallin Cismaan Ali Abanuur(Baruno) , tababaraha xulka qaranka macallin Shiikha,tababaraha xulka qaranka da’dooda ka hoosayso 20 jir macallin Daa’uud iyo qaar ka tirsan cayaartooydii barisamaadka.

Coming Soon

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@hotmail.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line