|
Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee XSKK. Farah Jama Nur (Farah Oday) iyo ku xigeenka tababaraha xulka qaranka kubadda kolleyga macallim Bruno oo la soo xiriiray shabakadda xiddigaha.ca ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in sababta uu tababare Cabdi Dheere isaga fogeeyay qabashada hogaanka Gudddiga tartanka kubadda kolleyga ee magaalada Toronto ay tahay iyadoo qaar ka mid ah ciyaartooydii uu tababaraha u ahaa ay ka soo horjedaan, iyagoo welibana bur buriyay uruka SSIFO ee uu isaga madaxda u ahaa. Farah Oday iyo Bruno ayaa sheegay in Cabdi dheere uu yahay qof sumcad weyn ku leh bahweynta sportiga ee kubadda kolleyga, sidaa awgeedna aaney jirin cid ka soo horjeeda. Farah Oday iyo Bruno ayaa sheegay qofka qoray warkan aan salka iyo raadka lahayn uu yahy qof raba inuu kala sii fogeeyo bahweynta sportiga, iyagoo weliba u sheegay inuu RAALI GELIN ka bixiyo arrintan, isagoo meel weyn uga dhacay bahweynta sportiga gaar ahaa kubadda kolleyga. Sidoo kale F. Oday iyo Bruno ayaa sheegay iney labaduba ka tirsan yihiin XSKK, sidaa awgeedna wararka sheegaya in tartanka kubadda kolleyga ee ka dhici doono Toronto aaney wax shaqo ah ku lahayn XSKK IYO GOS uu yahay dacaayad raqiis ah. Farah iyo Bruno oo sii wata hadalkooda ayaa sheegay in dhamaan bahweynta sportiga ay waajib ku tahay iney garb istagaan XSKK iyo GOS, halka dacaayad meelaha lala taagnaan lahaa. Ugu dambeyntii Farah Oday iyo Macallim Bruno ayaa hadalkooda ku soo gunaanaday in waqtigan la joogo ay iyagu la tahay inaan lagu fikirin in ciyaaro la qabto, balse ay tahay in marka hore la xaliyo xurdufta yar ee u dhaxeysa bahweynta sportiga ee kubadda kolleyga. W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|