• Bahweynta Sportiga Oo Hambalyo U Diraya Maxamed Xaaji Uurey Iyo Macallim Tuke

Yusuf Shaqaaq, Cantar Jeenyo, Mukhtar Cuti, Cali Gurey, Seyga Ruushka, Khaliif Riiko, Oday Mursal, Nuur Etop iyo Abdisamad Sh.Qasim oo ku hadlaya dhamaan magaca bahweynt sportiga ee kubadda cagta waxay hambalyo u dirayaan Maxamed Xaaji Uurey iyo Macallim Tuke, iyagoo ugu hambalyeynaya shaqadii wanaagsanayd oo ay ka qabteen tartankii ciyaaraha gobolada ee Puntland oo dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe.

Odayaashan ayaa sheegay iney markasta hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin cidkasta oo wax u qabaneysa sportiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxay sheegeen in sportiga uu yahay waxa kaliya ee dadka isku soo dhaweyn kara, sidaa daraadeedna ay jeclaan lahayeen in la gaarsiiyo ciyaaraha dhamaan gobolada Soomaalida oo ay nabadda ka jirto

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca






 





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line