Dhamaan dadweynaha iyo gaar ahaan bahda Isboortiga lala socodsiinayaa in ay ka soo qaybgalaan munaasab weyn oo loogu baroordiiqayo geeridii Marxuum Saleebaan Colaad Rooble Wasiirkii Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya. Munaasabada waxaa lagu qabanayaa maalimada Sabtida Taariikhduna tahay 27/02/2010 Saacadda 14:00 – 17:00 galabnimo Cinwaanka Goobta : Capital City Academy Doyle Gardens Willesden NW10 3ST,LONDON Waxaa lagu iman karaa Busaska: 226/187/206/6, halka lagu qabanaayo waa halkii lagu qaban jirey tartankii Kubadda Kolayga ee Ciyaarihii SSIFO EVENTS 2008. Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan baroordiiqda Marxuum Saleebaan Colaad Rooble, kale xiriir jaalayaasha kale ah: · Macalin Hassan Farah ( John) 07961179192 · Abdulqadir Mohamed Farah (Biriq) 07939163431 · Abdinaasir Ismail ( Sola) 07507516693 · Yusuf Mohamed Abdi Yusuf 07947510746 Mahadsanidiin dhamaantiin iyo ka soo qayb gal wacan insha Allah W/D: Yusuf Yusuf
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|