• North America Youth Challenge Cup 2013 Oo Guul Ku Dhamaaday


Ohio TMT Champions 2013

Waxaa Magaalada Toronto lagu soo gabagabeeyay tartankii kubadda cagta ee la magac baxay North America Youth Challenge Cup 2013.

Tartankani oo sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa sannadkan kasoo qeybglay 9 kooxood oo ka kala yimid Mareykanka iyo Canada.

Kooxihii looga cabsida qabay iney ku guuleystaan koobkan ayaa waxaa ka mid ah kooxda Hilac ee Toronto oo sannadkii 2012 si xarago leh ugu guuleysatay koobkani

Tartankani oo aad u xiiso badnaa sannadkani ayaa wixii hadba koox laga taqalusa, waxaa ugu dambeyntii finalka isugu yimid kooxaha Ohio TMT iyo Windsor.

Ciyaartii finalka oo ku dhacday jawi qurxoon ayaa kooxda Ohio TMT ay nasiib u yeelatay iney koobkii la hooyato, kadib markii ay Rigooreyaal (Penalties) kaga badiyeen Windsor, iyagoo waqtigii ciyaart labadan kooxood ay isla dhaafi waayeen 0-0. Kooxda Ohio TMT ayaa sidoo kale isla sannadkani ku guuleysatay Somali Week Soccer Tournament Toronto 2013.

Koobka dhallinta cuslaatay waxaa ku guuleysatay kooxda Xiddigaha oo hore u heysatay koobka Summer Cup & Ramadan Cup Toronto 2013, kadib markii ay 9-6 kaga badiyeen kooxda Toronto Stars ee u tababare u ahaa Sheekh Maxamuud.


Kabtanka Xiddigaha Liban Sharif oo la guddoonsiinayo koobka dhallinta cuslaatay

Tababare Anwar Tabit iyo kooxdiisa Semcy ayaa iyaguna qaatay koobkii ciyaartooyda ay da'dooda ka hoseyso 10 jir (U10).

Tartanka dhaliyeyaasha waxaa ku guuleystay Mustaf Hagi oo ka tirssan kooxda North Stars Ohio.

Koobka MVP Waxaa qaatay Omar Mohamed oo weerarka ugu ciyaara kooxda Ohio TMT.

Tababaraha kooxda North Stars Ohio Mohamed ayaa isagana loo aqoonsatay macallinka ugu fiican. Kooxda Seif FC ayaa iyaduna la guddoonsiiyay koobka Adaabta.

Maqaalkani oo maqal iyo muuqaal ah iyo dhamaan sawiradii waxaan idin soo gudbin doonaa goor dhow Insha Allah. Sidoo kale waxaan idin soo gudbin doonaa wareysi aan la yeelanay Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartankan Mudane Diinay Nuur, Awbaari, Axmed Al-Matary, Kabtank kooxda Ohio TMT iyo qaar kale oo badan

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line