• Juniors UK & Columbus Ohio Oo Laga Saaray Ciyaaraha

TODAY Somali week Toronto 2010. Kooxda Columbus Ohio iyo Juniors UK ayaa laga saaray tartanka Somali Week Toronto, kadib markii ay gacanta iskula tageen.

Ciyaartii ugu dambeysay ee wareega kowaad ayaa waxaa wada ciyaaray Columbus Ohio iyo Juniors UK oo ka wada tirsanaa Group A.

Kooxda Ohio ayaa iyadu hore u soo aruursatay 6 dhibcood. Halka Juniors ay wadatay 3 dhibic, kadib markii laga qaaday seddax dhibic kale iyadoo lagu helay iney garoonka la soo gashay 3 ciyaartooy oo Ajnabi ah.

Shariciga tartankan ayaa wuxuu koox kasta u ogolaanayaa iney la soo shirtagto 2 Ajnabi oo KELIYA.

Kooxda Juniors waxay ku qasbaneyd iney ciyaartan badiso ama bar bardhac gasho si ay uga mid noqoto 8da kooxood ee wada ciyaaraya Quatter Finalka.

Ohio iyadu waxay u dagaalameysay oo keliya iney hesho kaalinta kowaad, tasoo ay ku heli kartay iney badiso iyo iney bar bardhac gasho labaduba.

Bilowgii ciyaarta ayaa labadan kooxood weerar iyo weerar cilin isku qaaday.

Wixii lees weeraraba kooxda Juniors UK ayaa halkaasi gool ku dhalisay. Iyadoo ay ciyaarta mareyso 1-0 oo ay weliba ay dhamaad tahay ayaa dagaal lama filaan ah halkaasi ka dhacay, kadib markii ay labadan kooxood gacanta iskulal tageen.

Garsoorihii ciyaarta ayaana halkaasi ku soo gabagabeeyay ciyaartan.

Guddiga Tartanka oo shir deg deg ah yeeshay ayaa waxay soo saaraan qodobadan

1- In kooxaha Columbus Ohio iyo Juniors UK laga joojiyo gabi ahaanba tartankan Somali week 2010, loona sheego iney guryahooda isaga laabtaan.

2- In kooxda Banadir iyo Tigers MN ay si toos ah ugu soo gudbaan ciyaarta Semi-finalka, kadib markii ciyaarta laga saaray kooxihii ay la ciyaari lahayeen ciyaarta Quatter finalka.

Ciyaaraha soo haray ayaa waxay u dhici doonaan sida tan:

Khamiis (Thursday) July 8, 2010

7:00 pm All Stars Toronto V Somali Stars Washingto DC

Quatter Final 8:00 pm Somali United V Dixon FC

Jimco (Friday) July 9,2010

Quatter Final 8:00 pm Seif FC V TSS MN

Sabti (Satuday) July 10,2010

Semi-final 7:00 pm Banadri V Winner (Somali United /Dixon FC)

9:00 Tigers V Winner (Seif FC V TSS MN)

Axad (Sunday) July 11,2010 FINAL

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line