| 
Waxay bahwaynta sportiga ee magalada Columbus Ohio, meeshaan uga diraysaa mahad celin Macalin Nuur Itob. macalinka oo asa aasay horyaalka Xagaaga ah ee sanadlaha ah . Taas oo ku reebtay xasuus maguurta ah bahweenta sportiga. waxaan kaa codsaney naa in aad nagala soo qaybgashid furitaanka sand guuradii 10nd aadna xariga noo furtid.
tartankan oo ka furmidoona magaalada columbus ohio Friday April 2 soconayana ilaa Sunday April 4, noogu na soo gabagaboobi doona 3 maalmood gudahooda. iskagana horimaan doonaad 12 kooxood oo ka kala imaanaya waqooyiga ameerika geesihiisa iyo wadanka england.waxaa sidoo kale tartankan ka soo qaybgali doona ciyaartooydii hore ee cuslaatay ciyaartoydan oo ka soo qayb galay ciyaarihii wadankeena heerka koowaad amaba xulka qaranka somaliyeed kuwaas oo ka kala imaanaya aduunka dacaladiisa oo dhan kuna tartami doona koobka u yaala ciyaartoydii cuslaatay waxaa kale oo tartankan ka soo qaybgali doona dhalinyaro, hooyooying waxgarad wadaado iyo ciyaartoydii hore ee kubada kolayga oo iyagana ka kala imaanaya meelo badan tartankan ayaa ku bilaabmay kadib markii ay dooneen dhalinyarada ku kala firdhisan waqooyiga amerika meel ay iskugu yimaadaan iskuna arkaan, ayaa wada hadal dheeraad ah ka dib waxaa shafka saartay koobkan hirgalintiisa iyo qabanqaabadiisa magaalada columbus ohio oo uu horkacayo macalin nuur itob. waxaana lagu bilaabay 3 kooxood oo kala ah toronto,columbus stars iyo atlanta koobkan wuxuu soo maray arimo badan oo kala duwan, sanadba sanadna sanadkiisa ka danbeeyana waa ka sii xiiso badnaanayaa. tartankan oo noqday meel mushtamaca soomaliyeed ay is ku balansadaan xitaa kuwa aan xiisaynin sporiga oo ay noqotay meel ay iskugu yimaadaan bahda somaliyeed oo dhan.
sanadkaan waa sanad guuradii tobnaad oo uu koobkan dhaco. waxaan u mahad celi naynaa dhamaan dadkii koobkaan wax ka soo qabanqaabiyay meelwalba oo dunida dacalkeeda ay ka joogaanba oo ugu horeeyo maclin nuur itob. waxaan mahad gaara iska leh Caydiid Jenyo iyo bahda sportiga ee magaalada Atlanta, waxaa kaloo mahad halkan uga diraynaa bahwaynta sportiga ee magaalada Toronto, iyo bahda sportiga ee magalada Washington dc, bahda Minneapolis mn waxaan kale oo halka ayadana uga mahad celinaynaa dhamaan dadkii somaliyeed ee hirgaliyay in uu tartankan qabsamo meelwalba ooy joogaanba gaar ahaan BusuriĀ iyo xiddigaha.ca thanks all and god bless you
waxaan u mahad celinaynaa dhamaan gudiyadii soo qaban qaabiyay koobkan
nuur itob,hasan owl , mahad guray, ahmed wali, mahad 3 point, African, abdirizaq mayor, dhego dheere, deeq halane, bashir gelle, abdishukri, delpiero
waxaan mahad gaara halka uga celinaynaa ciyaartooydii hore ee magaalada columbus ohio
kabtan cabdi futax qaldaan
aadan gaab, delpiero, cisman guray, guduudow, qaylo, ali yare, mow yare, yussuf yare
said eed, cisman tako, liibaan idaajaa, mahad dhagacade, ali ordaaye, xareeye
abdishikri, bashir gelle

waxaa kaloo sanadkan sidoo kale noo balanqaaday in ay noo yimaadaan macalimiin badan oo tababarayaal ka ah horyaalka 2 ee america iyo jamacadaha marykanka noona balanqaaday markay yimaadaan hadii ay arkaan qof ay ka heleen ciyaartiisa ay u raadin doonaan scholarship iyo kooxo mushaar ay ka heli karaan.
W/D Bashir Gelle
|


Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|