• Real Madrid Oo La Wareegtay Özil

Mesut Özil ayaa ka diiday kooxda Inter 30 milyan si uu ugu ciyaaro.

Aabaha ciyaartooygan Mustafa Ozil oo la hadlayey wargeyska Hurriyet ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa sheegay in wiilkiisa uu ku adkeystay inuu ku wareegi doono oo keliya kooxda Real Madrid, haddii kale u kooxdiisa Werder Brema la sii joogi doono.

Mustafa oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in isaga iyo wiilkiisa Mesut ay tageen guriga guddoomiyaha kooxda Real Madrid Mr.Florentino Perez.

Intii ay ku sugnayeen halkaasi ayaa aabe Mustafa uu Floerntno u ballan qaaday in wiilkisa uu u ciyaari doono kooxda Real Madrid oo keliya.

Kooxda Werder Brema oo heshiis hor dhac ah la gashay Inter ayaa aad ugu adkeeysatay in ciyaartooygan uu ku wareego kooxda Inter.

Mesut Özil iyo aabihiisa ayaa sheegay inaaney sinnaba diyaar ugu ahayn iney ballanta kaga baxaan Real Madrid, haddii kooxda Werder Brema ay diidana iney si deeyso ciyaartoygan uu sannadka dambe aadi doon Real Madrid weliba iyadoo aan kooxda Werder Brema wax lagac ah aan heli doono waayo heshiika kooxdan iyo ciyaartooyga ayaa ku dhamaanaya 2011.

Ugu dambeyntii Kooxda Werder Brema ayaa ogolaatay iney ciyaartooygan ka iibiso Real intii uu sannaka dambe ku aadi lahaa lacag la'aan.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line