• Tartanka is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee ka soconaya
    Gaalkacyo oo galay wareegii 2aad

Waxaa wareegiisii 2aad ee groupyada galay tartankii is-dhex galka dhalin-yarada da' yartaa ee 12-14 jirada kaasoo baryihii la soo dhaafay si habsami leh oga soconayay garoonka cayaaraha ee Cawaale, kaasoo si weyn u soo jiitay dadweynaha Gaalkacyo.

Wareegga labaad oo lagu daah furay group A ayaa kulankii ugu horeeyay waxaa uu dhex maray Ex-wadajir Fc iyo Horseed Fc waxayna ciyaartoodii ku kala baxeen 1-1, kulankii labaadna waxaa uu dhex maray New-saxafi iyo Faleemo labadaasi Team ayaa wada galay bar-baro 1-1, labadan kulan ayaa ahaa kuwo aad u ad-adkaa maadaamaa ay u ciyaarayeen da' yar xariif ku ah kubadda cagta.

Groupkani waxaa illaa hada hogaaminaya kooxaha New-saxafi oo la timid 4 dhibcood halka kooxda Faleembo ay leedahay 4, kooxaha Horseed iyo Ex-wadajir ayaa iyaguna leh min 1 dhibcood.

Group B oo jimcihii kulamadoodu ay biloowdeen waxaa wada ciyaaray kooxaha Sohdo iyo Peace boys waxaana 2-1 ay guul lama illaawaana ku raacday kooxda Sohdo, kulankii labaadna waxaa uu dhex maray kooxaha Topaz iyo Kaambo kulankoodii ayaa ku dhamaaday 1-1 waxaana hada sidaa Groupka ku horkacaysa Sohda oo 4 dhibcood leh,Peace boys ayaa iyaduna leh 3 dhibcood, halka Topazna ay leedahay 2 dhibcood halka kooxda Kaambo ay yeelatay 1 dhibic oo qura.

Madaxa tartankan C/qani Khaliif Carabey oo tartankan ka hadlay ayaa sheegay inuu si wanaagsan ku socda ayna filayaan inuu guul ku dhamaado, waxaana uu bogaadiyay is-barashada dhalin-yaro fara badan oo hada samaysay is-dhex gal iyo is-barasho, waxaana uu u mahad-celiyay Ururka Puntland Sports Ilusted oo uu hormuud ka yahay Axmed Nuur Ciise oo ku nool gobolka Mineapolis oo leh qabsoomida tartankan iyagoo ballan qaaday inay sii ballaarin doonaan dhalin-yaradana waxay u balan qaadeen inay siin doonaan abaal marino dhamaan inta uu ka kooban yahay Sportska.



Wabilaahi Towfiq
Abdiqani Khalif Ahmed ( Carabey )
Tel: +25290621638
Galkayo Somalia
Email:cabdiqani0903@gmail.com



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line