• Summer Cup Playoffs

Waxaa gabo gabo soo gaaray tartankii Summer Cup ee magaalada Toronto.

Tartankani ayaa waxaa lagu kala helayaa 2 koob. Labadan koob ayaa midka hore waxaa final isku arki doonaa labada kooxood ee ugu dhibacaha badan oo kala ah Hall of Fame oo leh 12 dhibcood iyo Xiddigaha oo soo aruursatay 11 dhicood. Ciyaartani finalka waxaa la ciyaari doonaa Augusto 18, 2013.

Koobka labaad ayaa waxaa loo ciyaari doonaa hab Playoff ah, waxayna kooxaha isku ari doonaan sida tan:

Ciyaarta kowaad waxaa wada ciyaari doonaa Hall of Fame oo ugu dhibco badan iyo UBK oo ugu hooseysay.

Ciyaarta labaadna waxaa wada kulmi doonaa Xiddigaha oo kaalinta labaad ku jirta iyo Al Aruba oo kaalinta seddaxaad gashay.

Kullamada waxaa la ciyaari doonaa maalinta Axadda oo ay bishu tahay August 11,2013, Saacaddu markey tahay 6:00 pm.

Labada kooxood ee soo badiya ayaa waxay ciyaar final wada yeelan doonaa bisha markey tahay Augusto 25,2013
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line