• Mudane Duran Farah Oo Ka Qeybgalay Shir Looga Hadlayey Horumarinta Sportiga Soomaaliyato

Shir ay isugu yimaadeen aqoonyahanada sportiga Soomaaliyeed oo looga hadlayey sidii loo horumarina lahaa, korna loogu qaadi lahaa tayada, xirfadaha iyo dhismaha garoomo caalami ah ee lag hir geliyo Puntland ayaa lagu qabtay Magaalada Toronto.
Shirkaas waxaa ka soo qeyb galay Mudane Duran Farah oo ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Olympikada Soomaaliyeed.  Shirkaas oo dood cilmiyeed iyo aqoon isweydaarsi ku saabsan cayaaraha looga dooday ayaa la isku raacay;

  1. Horumarinta Sportiga ee Puntland
  2. Dhismaha iyo hirgelinta Garoomo caalami ah
  3. Kor u qaadidda tayada cayaaryahanada
  4. Kor u qaadidda xirfadaha iyo tababarada garsoorayaasha
  5. Isku xirka bahda sportiga Soomaaliyeed gaar ahaan Muqdisho iyo Puntland

Shirkan ayaa waxaa khudbad ka soo jeediyey, Mudane Duran Farah oo kaga waramay baahida weyn ee loo qabo horumarinta Sportiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland oo ah degaan nabad ah, lagan hir gelin karo mashaariic badan oo ku saabsan cayaaraha. Mudane Duran Farah ayaa sheegay in ay hadda gacanta ku hayaan dhismaha Garoon balaaran oo kulmin doona cayaaraha kubadaha koleyga iyo cagta iyo xafiisyadooda.
Aqoonyahanadii ka soo qeyb galay ayaa u mahad celiyey, Guddoomiye ku-xigeenka howsha xiriirka Olympikada Soomaaliyeed howsh ay ka qabteen horumarinta Sportiga Puntland iyo Soomaaliya.


Shirkan sportiga ku saabsan ayaa waxaa ka soo qeyb galay cayaartooy Soomaaliya caan ka ahayd oo u soo cayaaray naadiyo kale duwan, una saftay ilaa heer qaran. Waxaa ka mid ahaa;

  1. Macallim Abdullahi Hassan Salah (Tuke)
  2. Abdinur Jama (Abdi dibitaate, ahna Gudd Sportiga Jaaliyadda Canad ee Puntland)
  3. Ahmed Dahir Ahemd, Minneapolis, MN (Horseed)
  4. Bashir Abdullahi Gurey (Bashir Gurey), ahna Gudd Horumarinta Sportiga Jaaliya UK ee Puntland
  5. Bashir Yusuf (Fox) ahna tababare kooxda qaranka ee Qatar, Doha
  6. Abdirashid Hassan Hersi (Bakin) ahna Safiirka Puntland u Fadhiya dalka Canada
  7. Hassan Tuke, isku xirka sportiga ee Canada iyo dalalka kale
  8. A/kadir Joof , Guddoomiye ku xigeenka kubadda cagta Puntland ee Canada

Ugu dambeyntii, waxaa la isla meel dhigay sidii loo sameyn lahaa xiriir joogto ah, loogana tashan lahaa horumarinta iyo kobcinta sportiga si joogto ah loona wacyi gelin lahaa dhalinyarada reer Puntland in ay ku soo xirmaan sportiga, kana fogaadaan wixii dhaqanka iyo asluubta wax u dhimaya.

Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay, Safiir Abdirashid Hassan Hersi (Bakin)

W/D Abdirashid Bakin,
abdirashid_bakin@yahoo.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line