• Xullka Qaranka K/Koleyga ee Somalia oo marrkii 3aad dhulka lagu jiiday

Waxaa Garoonka Kubada Koleyga MTN Arena ee Magaalada Kampala uu kulan xiiso badan Fiidnimadii Caawa ku dhex maray Xulalka Qaranka Kubada Koleyga ee Soomaaliya iyo Rwanda, kuwaasi oo ka qeyb galaya Tartanka Kubada Koleyga Zone-5, ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kaasi oo 21-September ka furmay Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Soomaaliya oo kulankii caawa u ahaa midkii 3-aad ee Tartankaan, waxa ayna rajo ka qabtay in ay guul ka gaarto, maadaama 2-dii kulan ee horey aysan wax guul ah gaarin, balse Xulka Rwanda ayaa mid aan marnaba laga dhibco hor-marin, marka aad eegto sida ay ku kala nasteen 4-tii 10-aad ee Cayaarta la dheelay.

Scores end of first Quater Somalia 12 Rwanda 21.

Scores end of second Quater Somalia 23 Rwanda 44.

Scores end of Third quarter Somalia 42 Rwanda 63.

Final scores Somalia 71 Rwanda 85


Soomaaliya ayaa kulanka 4-aad ee Cayaaraha Kubada Koleyga Zone 5 Nations, waxa ay 27-September la cayaari doontaa Xulka Qaranka dalka Masar oo sanadkii hore ku guuleystay Koobka Kubada Koleyga dalalka bariga iyo bartamaha Afrika, balse kulankaasi ma ahan mid Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Soomaaliya uu wax rajo ah ka leeyahay, maadaama 3-kulan laga badiyay.

Sanadkii 2013, Soomaaliya ayaa tartankaan heer wanaagsan kasoo gaartay, waxa ayna hiigsatay kaalinta 4-aad, balse sanadkaan oo la filayay in ay koobka qaadaan, ama ay hiigsadaan Finalka Cayaaraha Kubada Koleyga ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayey taasi dhicin, iyadoona lala sababeeyay in uu xulka hareeyay murano fara badan iyo Maamul xumo.
Kulankii Labaad, 2-aad: Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Soomaaliya, ayaa waxa uu la cayaaray Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Kenya, cayaartaasi oo aheyd mid aad u xiiso badan, ayaa daqiiqadihii loogu tala galay waxa ay kusoo idlaatay 97-79, oo ay guusha ku raacday xulka Qaranka dalka Kenya oo 5jeesto ku badiyay, kulankaan ayaa ahaa mid uusan Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Soomaaliya u-safanin cayaaryahanka heysta Record-ka gool dhalinta FIBA ee Feysal Aadan, sababo la xariiray muran kala dhaxeeyay Maamulka.

Kulankii ugu horeeyay, 1-aad: Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Soomaaliya, ayaa waxa uu kulankii ugu horeeyay la yeeshay Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Uganda, oo iyagu dalkooda lagu marti gelinayay Koobka Kubada Koleyga Zone 5, ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Qaarada Afrika, waxa uuna kulankaasi kusoo idlaaday, 85-74 oo ay guusha ku raacday Xulka Qaranka Kubada Koleyga dalka Kenya.

Xulalka Tartankaan ka qeyb galaya: Soomaaliya, Uganda, Kenya, Rwanda iyo Masar, ayaa sanadkaan ku tartamaya Koobka Kubada Koleyga Zone 5 Nations.

Xulalka Sanadkaan ka Baaqday Tartanka: Burundi, Ethiopia, South Sudan, Tanzaniya iyo Sudan, ayaa iyagu sanadkaan kasoo qeyb galin Tartanka Kubada Koleyga Zone 5 Nations.

Kooxda ku guuleysata Tartanka Zone 5 Nations, ayaa waxa ay ka qeyb gali doontaa Tartanka Kubada Koleyga Qaarada Afrika ee (Afrobasketball) inkastoo goƔano dhawaan kasoo baxay FIBA inertnational iyo FIBA Africa, lagu sheegay in sanadkan waxii kadanbeeya isreebreebka Africa uusan noqon doonin in hal dal lagu qabto, ee loo ciyaari doono kulamo ay xulalka isugu tagayaan dalalkooda, midba mida kale kumarti gelin doonto dalkeeda.

W/D. Salah Hassan Omer (Salah Dheere)
Email: s.dheere@hotmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line