• Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ay Ku Geeriyoodeyn WIISH iyo MUGANBI

     


Muqdisho April 04,2012 xiddigaha.com-Waxa Maanta Mgaalada Muqdisho Qarax ismiidaamin ah ku geeriyooday Guddomiyihii Olypiga Soomaaliyeed iyo madaxa xiriirka Kubedda cagta Soomaaliya oo ka qeybgalayay munaasibad loo sameeynayay sanad guuradii kowaad ee TVga Soomaaliya.



Mudenayaasha ku geeriyooday qaraxa maanta ee Adan Yebaroow Wiish iyo Siciiid Mugaanbi ayaa waxa si weyn uga naxay guud ahaan bahda Ciyaaraha Soomaaliyeed.

Masuuliyiintan oo taariikh fog ku leh ciyaaraha Soomaaliyeed ayaa ilaa haatan ku hawlanaa horumarinta Ciyaaraha Soomaaliyeed.


Bahda Ciyaaraha ayaa maanta qaraxyada ka dib isweydaarsanayay tacsi iyo tiiraanyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilka wuxushnimada ah ee loo geysanayo halyeyada Soomaaliyeed.Intii ku dhimatey qaraxan dhamaantood Alle ha u naxariisto samir iyo iimaana Eebe ha inaga siiyo AMIIN.

W/D-Jaahuur
xiddigaha.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line