• Qorshe Xumo Iyo Faragelin Xad Dhaaf Ah Ayaa Dilay Xulka

Sidaan la wada socono xulka qarnka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka qeybgalay tartanka koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee lagu qabtay dalka Uganda . Xulka qaranka ayaa affartii kullan ee u yeeshay seddax ka mid ah lagaga adkaaday halka uu midna badiyay.

Nasiib darro tartamada noocan ah ee uu xulka ka qeybgalo ayaa markasta uu ku haraa wareega kowaad. Inta laga warqabo taariikhda ciyaaraha kubadda cagta Soomaaliyeedna weligii uma soo gudbin ciyaarta Semi-Finalka. Haddaba si aan u ogaano dhibatooyinka hortaagan xulka Soomaaliya ayaanu wareysi ku saabsan arrintan la yeelanay Macallim Ibrahim Sudani oo muddo dheer ku dhex jiray ciyaaraha isagoo u saftay xulka qaranka isla markaana u noqday tababare. Sidoo kale macallim Ibrahim Sudani wuxuu muddo dheer macallin u ahaa kooxdii caanka ahayd ee horsed isagoo magaceeda gaarsiiyay dhamaan carabta iyo qaaradda Africa .

Haddaba wareysigan oo taabanaya dhinacayo badan ayaa waxaan u soo koobnay sida tan:

Xiddigaha: Macallim Ibrahim sidaad ogsoontahay xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka soo laabtay tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee lagu qabtay Ugandha. Sida caadada ahaydna wuxuu ku haray wareega kowaad, iyadoo weliba halkaasi lagaga soo dhaliyay 9 gool. Halka ay iyaguna ka dhaliyeen 1 gool oo keliya. Haddaba macallim wax ma nooga sheegi kartaa sababta keenta in xulkeena uu marksata guul darranadan la kulmo isla markaana ku haro wareega kowaad?

Ibrahim Sudani: Guuldarradan joogtada ah waxaa ugu wacan qorshe xumo iyo faragelin xad dhaaf ah ee ay xulka ku sameyaan madaxda xirirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Xiddigaha: Macallim ma inoo faa'faahin kartaa waxaad ula jeedo Qorshe xumo iyo faragelin?

Ibrahim Sudani: Haa, waxaa jirto in madaxda xiriirka kubadda cagta ay markasta soo farageliyaan shaqada tababaraha xulka qaranka , isla markaana aanu tababaraha u gudan Karin shaqadiisa sida uu isaga rabi lahaa.

Xiddigaha: Adiga Ibrahim ahaan intii aad tababare u ahayd xulka qaranka, madaxda xiriirka kubadda cagta marna si toos ah ma u soo farageshteen shaqadaadi. Haddiise ay dhacday tusaale ma inooga sheegi kartaa?

Ibrahim Sudani: Wey dhacday iney si toos ah u soo farageliyaan shaqadeeyd. Tusaale ahaan waxaan kaaga soo qaadi karaa sannadkii 1977 anigoo tababare u ah xulka qaranka, ayaa waxaan ciyaar saaxibtinimo ah la yeelanay xulka Kuwait , oo markaasi isu diyaarineysay ka qeybgalka Worldcup1978. Islamarkaana ku guuleysatay koobka Khaliijka seddax jeer. Marka madaama xulkani uu ahaa mid aad u adag ayaa waxaan xulkeena u diyaariyay hab ciyareed aan islahaa waad kaga hortagi kartaan.

Waxaa dhacday in habeenkii aan berrito oo kale ciyaarta leenahay ay i yimadeen qaar ka mid ah madaxda xiriirka kubadda cagta, iyagoo iga codsaday inaan tuso magacayda 11 ciyaartooy ee garoonka geli doona. Markii aan tusay ayay igu yirahdeen waa inaad wax ka beddeshaa oo aad ciyaarsiiyaaa Nuur Gaab isla markaana ka saartaa Hassan Bani. Aniga waxaan ku iri waan ogsoonahay in Nuur Gaab uu yahay ciyaartooy weyn, laakin ma i weydiseen sababta aan u xushay Hassan Bani. Waxay igu yirahdeen maya ee inoo sheeg. Waxaan ku iri aniga haddii aan ahay tababare waa inaan ku xisaabtamaa kooxda aan la ciyaarayo habka ay u ciyaarayaan iyo sidii aan kaga hortagi lahaa. Marka kooxdan Kuwait weerarkooda ayaa aad u adag sidaa daraadeedna waa inaan ciyarsiiyaa ciyaartooy qadka dhexe ka ciyaari kara islamarkaana daafaca. Taasi ayaana keentay inaan Hassan Bani xusho.

Xiddigaha: Markaa miyey ku qanceen sharaxadaadi?

Ibrahim Sudani: Maya, laakin anigaa ku adkeestay go'aankeeyga. Nasiib darro iyagu waxay rabaan oo keliya inaad ciyaarsiiso ciyaartooyga magaca leh, iyagoo aan ka fikirin habka ay kooxda rabto iney u ciyaarto. Suuragal ma ahan in aad ciyaarsiiso dhowr ciyaartooy oo ku wanaagsan weerarka adigoo raba inaad is difaacdo, ama ciyaarsiiso dhowr ciyaartooy oo ku waangsan difaaca ado raba inaad weerar qaado. Marka tababaraha wuxuu ciyaartooyda u xusha hadba wuxuu damacsan yahay..

Xiddigaha: Kol haddii aad ku adkeeysatay go'aankaadi ee aad ka diiday wixii ay ku soo jeediyeen, maxaa dhacay ciyaarta kadib?

Ibrahim Sudani: Nasiib wanaag ciyaartan waxay ku dhamaatay 1-1. Weliba Kuwait waxay dhaliyeen gool rigoore (Penalty) ah. Markii ay ciyaarta dhamaatayna tababaraha xulka Kuwait Mario Zagalo ayaa iigu hambalyeeyay sid aan u ciyaarnay. Inkastoo aan natiijo fiican soo hooynay, haddana madaxda xiriirka kuma faraxsanayn inaan ka diiday wixii ay ii soo jeediyeen. Wixii intaa ka dambeyna xiriirkeeni wuu sii liidanaayey.

Xiddigaha: Marka la xulayo ciyaartooyda xulka qaranka, ma xiriirkaa soo xusha misse tababaraha?

Ibrahim Sudani: Tababaraha wuxuu halkaasi u joogaa magac keliya ee ciyaartooyda waxaa soo xusha madaxa xiriirka kubadda cagta. Waxaa intaasi ka sii daran in madaxda xiriirka ay iyagu soo gudbiyaan magacyada 11 ciyaartooy ee garoonka geli lahayd. Mararka qaar waxay yimadaan halka ay ciyaartooyda ku xareysan yihiin iyagoo u sheega sidii ay u ciyaari lahayeen. Tababarihii ka madax adeegana waxaa laga qadayaa xilka.

Xiddigaha: Waxaa igu maqaal ah in adiga iyo madaxda xiriirka kubadda cagta aad isku qabsateen allaha u naxariistee Cabdullahi Cabdi, adigoo rabay inaad ciyaarsiiyo balse iyguna ka codsaday inaadan garoonka geynin. Arrintasi wax ma nooga sheegi kartaa?

Ibrahim Sudani: Waxaa jirtay ina allaha u naxaristee Cabdullahi Cabdi oo ahaa ciyaartooy wanaagsan ay xurduf yar ka dhaxeysay isaga iyo madaxda xiriirka. Marka waxaa dhacday inaagoo ciyaar leh iney ii yimadeen madaxda xiriirka iina sheegeen inaan ciyaarsiinin ciyaartoygan. Aniga waxaan ku iri haddii ay jiraan dhibatooyin idinka dhaxeeya fadlan si gooni ah u xalista laakin aniga waxaan ciyaarsiinayaa hadba ciyaartooyga aan is leeyahay wuu ku anfici karaa. Runtii aniga dheg uma dhigin warkooda waan ciyaarsiiyay ciyaartooygan isagoo weliba dhaliyay goolka ay guusha nagu raacday.

Xiddigaha: Waxaad inoo sheegtay faragelina xad dhaafka ee xiriirka.Sidoo kale wax ma inooga sheegi kartaa qorshe xumada aad carabaawday?

Ibrahim Sudani: Haa qorshe xumada waxaa ka mid ah in sannadkii 1972dii innagoo leh xul qaran aad u adag inaan ka qeybgali weyno tartanka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha dhaqaale xumo awgeed. Waxaan hubaa in tartankaasi aan guul ka soo hoyi kareynay.

Dhanka kale haddii aad leedahay xul qaran oo adag waa inaad ku dadashaa in tartaamda qaar lagu qabto dalkaadi si aad ugu faa'iideysato taageereyashaadi. Nasiib darro xiriirka waxaasi oo dhan kama fikireyn. Mararka qaar xitaa waxaa dhaceysay in innagoo ciyaar dibadda ku leh, la kaxeeyo 14 ama 15 ciyaartooy iyadoo booska ciyaartooyda kale ay na racaan dhowr guddi aan loo baahnayn.

Xiddigaha: Qorshe xumada iyo faragelinta xiriirka ka sokow ma waxaad leedahay ciyaartoydeyna wey la tartami kareen ciyaartooyda kale?

Ibrahim Sudani: Haddaan ka hadlo ciyaartooydii hore dhanka farsamadda iney ka heersareyaan kuwa xulalka kale moyee kama liidan. Waa jirtaa iney ciyaartooyda Afrikaanta kale ay xogaa naga xoog badan yihiin.Laakin haddii ciyaartooyga ay farsamadiisa fiican tahay la siiyo tababar wanaagsan “La dhiso Conditionkiisa”, ciyaartooyga ka xoog badan fursadba uma helayo inuu xoog ku maquuniyo, waayo ciyaartooy farsamo fiican isla markaana condition fiican xoog waxba loogama qaadi karo.

Xiddigaha: Dhanka tababareyaasha iyagu ma waxay ahayeen ceeb ka saliin?

Ibrahim Sudani: Tababare loo soo xulay ciyaartooydiisa isla markaana aanu xitaa u madax bananayn 11ka ciyaartooy ee uu isaga rabo inuu garoonka geliya, waa maxay eeda aan saari karno? Tababaraha waa in lo dayaa shaqadiisa, markaana lala xisaabtamaa haddii uu ka soo bixiwaayo xilkiisa.

Xiddigaha: Maalmahan dambe waxaa caado noqotay in ciyaartooyda xulka qaranka qaar ka mid ah laga keeno dibadda sida North America iyo Yurub. Sideed u aragtaa arrintan?

Ibrahim Sudani: Fikrada ahaan ma xumo, laakin su'aasha aan is weydiinayo waxay tahay side loo soo xulay? Ma ciyaartooydan waxay ka qeybgalaan tartamo joogto ah, misse waxaa lagu arkay oo keliya tartanka Somali Week oo socda inta badan muddo ka yar 2 todobaad. Tankale waxaan maqlaa in ciyaartooyda dibadda ka tagta inta badan inaan la ciyaarsiin, marka ma fahmi karo sababta

Xiddigaha: Ugud dambayn maxaad xal u aragtaa si loogu gudbo guuldarradan aan dhamaadka lahayn?

Ibrahim Sudani: Ma wagii hore misse hadda. Hadda runtii marka loo eego dhibaatada ka jirta waddanka waxaan oran lahaa oo keliy xulka qaranka ha loo sacbiyo waayo ma ahan wax sahlan in meel xabad ka dhaceyso tababar lagu qaato laguna soo diyaariyo koox ka qeybgaleysa ciyaar caalami ah. Insha Allah dhibaatadan wey dhamaan doontaa.

Xiddigaha: Mahadsanid Macallim Ibrahim

Ibrahim Sudani: Adaa mudan Busuri

Taariikhda ciyareed ee macallim Ibrahim Sudani halkan kala soco

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;