• Xiddigaha Oo 2 Gool Jeebka Loo Geliyay

Waxaa magaalada Toronto si xiiso leh uga socday tartankii Summer Cup 2013. Ciyaartii ugu dambeysay ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Xiddigaha oo 6 dhibcood ku hogaamineysay tartankan iyo Hall of Fame oo lahayd 4 dhicood.

Ciyaartan ayaa waxaa 2-0 ay guusha ku raacday kooxda Hall of Fame, sidaana ku yeelatay 7 dhibcood.

Bul Bul Iyo Kooxdiisa Haloo Duceeyo!

Ciyaatii labaad ayaa waxaa wada ciyaaray kooxda Al Aruba oo lahayd 1 dhibic iyo UBK Seniors oo 0 lahayd.

Ciyaartan ayaa waxa lagu kala affur doontay 2-1 oo ay Al Aruba ku guuleysatay. Kooxda UBK Seniors ee u hogaaminayo Bul Bul ayaa seddaxdii ciyaar ay ciyareenba guul darro kala hooyday.

Ramadan Cup 2013

Laga bilaabo todbaadkii la soo dhaafay affartan kooxood waxay si wada jir ah ugu tartamayaa Summer cup iyo Ramadan Cup. Tasoo mecneheedu yahay in 3da todobaad ee soo socda labadii kooxood ee ugu dhibcaha badsada waxay ciyaari doontaa finalka koobka Ramadaanka.

Marka loo eego Ramadan cup kooxahan waxay kala leeyihii Hall of fame iyo Al Aruba min 3 dhibcood Xiddigaha iyo UBK Seniors 0 dhicood.

Dhanka Summer Cup Hall of Fame 7 dhicood, Xiddigaha 6 dhibcood, Al Aruba 4 dhibood iyo UBK Seniors 0

Dhibcaha Ramadan Cup waxay ka bilaabanayaan oo keliya todobaadkii la soo dhaafay oo si rasmi ah uu u furmay koobakan

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line