• RIYADDII RUMOOWDAY! MAGACII TORONTO OO DIB U SOO NOOLAADAY


Waxay maalinimaddii Sabtidda ee ay taariikhdu ahayd 20 ka Febraayo 2010 ay ciyaaro saaxiibtinimo oo xiiso badan ku dhex martay garoonka weyn ee dugsiga Dixon Grove JMS labada naadi ee DYESC (Dixon Youth FC) iyo SEMCAY. Waxaa soo ifbaxaya horumar iyo waxqabasho muuqata oo ay la yimaadeen qaar badan oo ka mid ah ciyaartooydii hore ee ciyaaraha kala duwan ee jaaliyadda Soomalidda ee ku nool magaaladan Toronto.
Akhristoow waxaa labaddan naadi u soo kala gabagaboobay wareegii hore ee horyaalkii 10 aad ee Dixon Youth FC iyo koobka Championship ka SEMCAY sidaas darteed ayey ku balameen ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhexgalka ubadka Somaaliyeed.


Haddaba markii ay saacaddu ahayd 5:00 pm ayaa waxaa fooda isdaray labadda kooxood ee gabdhaha ah ee labadda naadi ee ay da'doodu ka yartahay 13 jirka. Gabdhahani waxay muujiyeen ciyaar iyo farsamo wanaagsan oo si fiican loo horumarin karo waxayna ciyaartoodii ku dhammaatay 1-1.


Waxaa ciyaartii xigtay ay dhexmartay wiilasha ay da'doodu ka yartahay 10 jirka oo iyagu si joogta ah weerar iyo weerar celis isku hayey waxayna natiijaddii ciyaartu noqotay 3-1 ay guushu ku raacday wiilasha da'da yar ee SEMCAY.

Haddaba waxaa 7:00 fiidnimo bilaabatay ciyaartii la wada sugayey ee wiilasha U13/U14. Labaddan kooxood ayaa waxay soo ban dhigeen farsamo heer sare ah waxaanad dareemeysaa in wakhtigii iyo tababarkii la siiyey ay garoonka ku soo bandhigeen. Waxay gabagabadii ciyaartani noqotay in kooxdii Dixon Youth FC (DYESC) ay ku suul daarto kooxda SEMCAY 6-3.

Waxaa kaloo farxad iyo yididiilo leh in daawadayaashii ciyaartan ay saadaaliyeen in magaaladda Toronto ay mar dhow ka kaaftoomi doonto ciyaartooydii dibaddaha looga yeeran jiray ee kooxaha magaaladda ka dhisan galin jiray kharashka tiradda badan.
Waxaa xusid iyo ammaan mudan waalidiintii, ciyaartooydii yaryaraa iyo dhammaan dadweynihii ka soo qaybgalay ciyaarahan. Anigoo ku hadlaya magaca shabakadda xiddigaha.ca iyo wargeeska Somali Canadian Times Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynayaa howsha wanaagsan ee ay hayaaan maamulka iyo macalimiinta labaddan naadi oo kala ahaa:

Naadiga DYESC: Mukhtaar Cutti, Abdikarim Codka, Ali Baba, Diiriye, Mahamaadi, Amaal, Leila, Abdihakim Ottawa, Ali Abdi, iyo Abdisamed Sheik-Qasim.
Naadiga SEMCAY: Anwar, Macalin Muse, Abdi Deputati , Dr. Abdullahi. H. Mahdi iyo Macallim Bruno

Wuxuu naadiga DYESC (Dixon Youth FC) ogeysiinayaa naadiyadda kala duwan in ciyaaraha saaxiibtinimadda ee xiga ay ciyaari doonaan galabnimadda maalinta Sabtidda ee ay taariikhdu tahay March 20, 2010 (Insha Allah) ka dib marka uu u dhammaado wareega labaad ee horyaalkan. Haddaba naadigii xiiseynaya ciyaaro saaxiibtinimo iyo isbarashadda iyo isdhexgalka caruurta Somaaliyeed fadlan la soo xariir gudddomiye Abdikariim Codka: (416)560-9980.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line