• Ronaldinho Oo Laga Saaray Xulka Qarnka Brazil

Tababaraha xulka qaranka Brazil Dunga ayaa liiska ciyaartooyda ka qeybgali doonta ciyaarta ay Brazil la yeelan doonto Uruguay iyo Paraguay ka saaray Ronaldinho. Labadan kullan ayaa ka mid ah isreeb-reebka koobka adduunka. Sidoo kale Ronaldinho kama qeybgali doono tartanka Confederations Cup oo lagu qaban doono South Africa bish June 14-28.

Dunga ayaa hore uga madax adeegay inuu qaranka dib ugu soo celiyo Ronaldo. Haddana wuxuu ilbaabka ka xertay Ronaldinho iyo Adriano.

Tababare Dunga ayaa u muuqda inuu haddeer fursad siinayo ciyaartoyda da'da yar isagoo inta badan ciyaartooyda ka soo xushay kuwa u ciyaara kooxaha ka dhisan dalka Brazil guddahiisa

Sababta uu ciyaartooydan uga reebay liiska ciyaartooyda qaranka ayuu ku mecneeyay in Ronaldinho aanu u safan kullamo badan kooxdiisa Milan. Sidoo kalena Ronaldo anuu weli ka qeybgalin kullamo badan oo lagu qiimeyn karo. Halka Adriano uu isagana muddo ku dhow laba bilood aanu ku dhowaan meel kubad lagu ciyaarayo.

 

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line