• Muxuu Roombo uga Tanaasulay Musharaxnimada Xilka Guddoonka XSKK?

Ibraahim Roombo oo Shaaciyay Inuu Ka Tanaasulay Musharaxnimada Xilka Guddoonka XSKK

MUQDISHO – Ibaraahim Xuseen Cali (Roombo) Guddoomiyahii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa shir-jaraa`id oo uu ku qabtay Xarunta Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ku shaaciyay inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa inuu mar kale isku soo taago xilka Guddoonka XSKK.
Guddoomiye Ibraahim Roombo oo muddo badan ku soo dhex-jiray howlaha Isboortiga dalka gaar ahaan Kubadda Koleyga ayaa xusay Isboortiga inuu yahay kan kaliya Ummadda Soomaaliyeed u horseedi kara Nabadda iyo Isdhex-galka Bulshada, wuxuuna tibaaxay Inuu Xilal kala duwan uu ka soo qabtay XSKK wuxuuna carabka ku adkeeyay mudada uu xilka Guddoonka sare hayay inuu dhinacyo badan oo horumarinta Kubadda Koleyga kasoo shaqeeyay taasoo uu carabka ku adkeeyay inay marqaati u yahiin bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddaba ku sugan.
“Waxaan aad ugu Mahadcelinayaa Dhamaan bahda Kubadda Koleyga sida wanaagsaneyd ee ay ila soo shaqeeyeen, Waxaana u Cadeynayaa inaan ka Tanaasulay Xilkii Guddoonka XSKK, Ka dib markaan gartay in aan sabab u noqon Burbur ku yimaada Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga oo muddadii aan xilkaas hayay gaaray Horumar baaxad leh. Diyaarna aan u ahayn inaan wasakheeyo sharaftii aan ku lahaa Isboortiga dhexdiisa - Waxaan soo dhaweynayaa ciiddii loo doorto guddoonka Xiriirka anigoo ka balan-qaadaya wixii waayo-aragnimo talo iyo tusaaleyn ah”
“Waxaan aad ugu Mahadcelinayaa Mas`uuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen Xakameynta arrimahii ka taagnaa doorashada XSKK.” Ayuu kusoo gunaanaday Md. Roombo.
Si kastaba, Ka Tanasulidda xilka Guddoonka XSKK ee Md. Roombo ayaa bahda Kubadda Koleyga waxay ku tilmaamayaan mid niyad-jab ku ah inta jacel horumarka K/Koleyga oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku talaabsaday guulo Taariikhi ah, waxayna Musharaxa xilkan iminka u taagan ku booriyeen inuu la yimaado horumar ka badan inta uu soo Hoyay Guddoomiyihii hore Ibraahim Xuseen Cali "Roombo".

W/D Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2526-1-5520008/ +14434409441
Email:buuna@isboorti.com

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line