• Royal Champions

     

 

Kooxda Royal ayaa ku guuleysatay koobkii Ramadan Cup Toronto 2012

Kooxda Royal

Waxaa maalmahan garoonka weyn ee Soccer City si xiiso leh uga socday tartankii koobka Ramadaanka ee magaalada Toronto.

Kooxda Somali Stars

Tartankan ayaa waxaa ciyaarta kamadambeynta Final isugu soo haray kooxda Royal ee u hogaaminayey Cabdixakiim Ottawa iyo kooxda Somali Stars ee u abaanduule u ahaa Deeq Xalane.

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa ugu horeynti waxaa laba gool oo daran doori ah halkaasi ka dhalisay kooxda Somali Stars.

Wax xogaa markii ay ciyaarta socotay ayaa kooxda Royal ay golkeedi kowaad dhalisay. Haddan intaa kuma harin oo waxay dhalisay goolkii bar bar dhaca 2-2.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 4-3 oo ay ku hogaamineyso Royal

.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Somali Stars ay weerar ku qaaday goolka Royal iyadoo halkaasi isaga soo guday goolkii lagu lahaa.

Markii ay ciyaartu noqotay 4-4 ayaa kooxda Royal hurdada ka toostay iyadoo 3 gool oo isdaba joog ah halkaasi ku dhalisay.

Ugu dambeyntii 7-5 ayaa waxay guusha ku raacday Royal oo halkaasi koobkii ku xalaaleysatay.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line