• Mogadishu Run for Cash !!

Waxaa dhacdey markii la soo qaxey oo qurbaha la soo galey in fanaaniintii hore ay aad ugu keeneen cabasho xoogan kadib markii ay arkeen heesihii ay qaadi jireen oo laga bililiqeystey, hadaba taa mid ka xun maanta waxaa sameeyay Duqa magaalada Muqdisho Tarzan iyo Xoghayaha GOS Duraan, waxay mudan yihiin in copy rights law lagu qaado.



Magaalada Muqdisho bishii la soo dhaafey waxaa soo gaarey maamulaha iyo macalinka kooxda Qaranka cayaaraha fudud ee dalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Caraale iyo mudane Cabdi Warsame,kuwaasoo ka yimid dalka Mareykanka, si ay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ugu qabtaan siminaaro iyo tartamo cayaaraha fudud ah,waxaana ku wehliyay safarkooda Gudoomiyaha XSCF mudane Maxamed Cali oo ka soo raacey magaalada Dubai.

Intii aysan ka soo bixin Mareykanka labadaan mudane Caraale iyo Cabdi Warsame, waxaan aniga oo Yusuf ah kale shaqeeyay sidii qalab isboorti iyo abaalmarinta ay bixin lahaayeen u heli lahaayeen,madaama aan u arkayay inay u baahan yihiin taageero howsha wanaagsan ay u qabanayaan wadankooda gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada Muqdisho, nasiib wanaag waxaan qalab ka kooban dhar iyo kabo noogu deeqay nin Mareykan ah oo la yiraahdo Fermin lau oo caawiya ciyaartooyda aan awoodin inay helaan qalab ay ku ordaan sida kabaha iyo Hay’adda wadaniga ah ee HIRDA oo run ahaantii qalab tayo leh oo ka kooban kabo Nike ah iyo Funaanado Nike ah oo cusub iyo dhaqaale ugu deeqday howsha ay wadeen aqyaartaan isboortiga ah howsha ay doonayaan ku qabtaan wadanka.
Waxaa idin xusuusinayaa Caraale iyo Warsame inay yihiin ciyaartooydii qarankeena cayaaraha fudud oo doonaya inay gacan siiyaan ciyaartooydeena mustaqbalka soo socdo si aan garoomada caalamka mardambe magaca wadankeena loogu bahdilin sidii dhacdey marar badan laga soo bilaabo 2000 -2012 cayaarihii olambikada Sydney. Greece.Peiking iyo London.



Mudane Cabdi Warsame iyo mudane Cabdulqaadir Caraale waxay goosteen inay Muqdisho ka degtaan bartamihii bishii Janaayo iyagoo soo marey Holland, si ay qalabkaas gacanta ugu sii qaataan madaama ay aad ugu baahnaayeen, waxayna qalabkii ninkii Mareykanka bixiyayna ka soo qaadeen magaaladooda oo loogu soo direy,waxayna ka degteen magaalada Muqdisho oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay imaanshahooda.
Kadibna waxay ka bilaabeen siminaaro iyo aqoon kororsi ay siiyeen macalimiinta iyo garsoorayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyagoo gacan weyn ka helaya madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud, kadibna waxay magaalada Muqdisho ku qabteen orado kale duwan sida cayaaraha dugsiyada iyo tartan ay ugu magac bixiyeen tartanka oradka nabada ee magaalada Muqdisho 2013 .( Mogadishu Run for Peace 2013).

Tartankii iyo howshii sidii aan ugu talagaleen ayay u dhacdey una fuliyeen si wadajir ah maamulka XSCF ay hogaamineysay gudoomiye ku xigeenka Khadiijo Dahir, Mudane Cabdulqaadir Caraale iyo Mudane Cabdi Warsame, waxaana ka qayb galey dhalinyarado aad u badan oo lahaa wiilal iyo gabdho, kuwaasoo la gudoonsiiyay qalabkii iyo abaalmarinadii loogu talagaley, waxaana ka qayb galey 31/01/2013 xiritaankii tartankaan Oradka 1KM Nabada ee Muqdisho 2013 Wasiir ku xigeenka Isboortiga iyo dhalinyarada Bashiir Goobe iyo Duraan naftirkiisa si uu uga soo xado fikirkaan , hadane inkastoo dhanka saxaafada aan laga buun buunin oradkaan balse waxaan isku daynay aniga iyo Salah Dheere inaan raadino kadibna soo bandhigno howshatan qiimaha badan leh oo lagu qabtey magaalada Muqdisho, si ay dhiirigalin ugu noqoto dadkii soo qabanqaabiyay iyo dhalinyaradii ka soo qayb gashey oo dhan.

HALKAN HOOS KA DAAWO WAREYSIGII CARALE IYO CABDI WARSAME AY SIYEEN SHABAKADA XIDDIGAHA.COM INTII AANEY U DHOOFIN MUQDISHO

 



Anigoo ka yaaban sababta barnaamijkaan taariikhiga ah loo qariyay ayna u buunbuuniyaan waxaan jirin markasto GOS ayaa waxaan ka warhelay in Mudane Caraale iyo Cabdi Warsame ay ka soo ambabaxeen magaalada Muqdisho ayna jogaan magaalada Dubai, ayaa hadane waxaan isla markiiba ku arkey website Soomaalida oo dhan iyo kan IOC-da orad lagu qabtey magaalada Muqdisho laguna magacaabayo Oradka Nabada magaalada Muqdisho 2013 (Mogadisho Run for Peace 2013) ay hor gaardinayaan sidii guulwadayaal Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Tarzan iyo Xoghayaha GOS Duraan Faarax ayna ka maqan yihiin maamulkii cayaaraha fudud ee Soomaaliya iyo dadkii howshatan ku qabtey munaasabadii nabada iyo isboortiga.



Yaabkii ugu darnaa Funaanado suuqa bakaaraha laga soo qaadey oo ay ku qoran tahey calaamada GOS ”SOC Mogadishu Run for Peace 2013” ayaa loo soo xirey ninka isku sheegaya inuu yahey Gudoomiyaha Gobalka iyo Duqa magaalada Muqdisho Tarzan ceebtiisa iyo damiir xumadiisa halka Duraana uusan soo xiran, balse Duraan Faarax funaado Dark Blue ah oo aan calanka aheyn u soo xirtey, islamarkaana dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa la soo safey, si film hindi loogu dhigo hay adaha deeqaha bixiya, lana sheegto in lagu qabtey magaalada oradkii nabada ee ugu horeeyay sanadkaan, si dadka la isaga dhigo dad wadanka wax u qabanaayo islamar ahaanta iyadoo English lagu qorey loo dirsadey website-yada laga aqriso wadamada.
barnaamijyada ay ku qabtaan wadamadooda si Olympic Solidarity and Sports forPeace project lacago looga soo daadsado madaama shaqo weyn oo nabada iyo is dhexgalka bulshada wadankeena lagu qabtey ayna ku qabteen laga dhigo GOS iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Maxaa u diidey inay magac kale u baxsadaan markalena qabsadaan oo u bixiyaan xataa almiino Banadir Run for Peace ama Xamar Run for Peace, Tarzan/Duraan NGO RUN FOR Cash?. madaama Mogadishu Run for Peace dadkale sameysteen ayna maalgaliyeen, sababta Muqdisho nabad u heli weysay waxaa weeye dadkii Muqdisho ku dhashey ee saxda ahaa maamulka magaalada gacantooda kuma jirto, waxaa maamulo shufto degmooyin iyo tuulooyin ka yimid iyagoo waaweyn, marka ma iyagaa ka naxaayo Muqdisho oo qiimo ugu fadhidaa nabadeeda iyo horumarinteeda, hadii ay ku dhalan lahaayeen Isbitaal Martini, Digfeer, Banaadir SOS iyo Madiino saan uma dhaqmi laheyn burcadaan horboodeysa maamulka magaalada iyo isboortiga.
Marka waxaa aad ula yaabney dhamaanteen oo aan rabaa inaad arinkaan ogataan sida ay macquul ku tahey damiirkana ku siin karaa dad barnaamij ay soo hindiseen caqli, waqti, maskax, juhdi, dhaqaale ku bixiyeen islamarkaana slogans iyo magacii ay barnaamijkaas u baxsadeen maalin dharaar cad ah inta la minguuriyo lagu qabsado magaalada Muqdisho sababta iyo waxa ku kalifi kara intaa le eg oo caqli xumo iyo tuuganimo aan ka aheyn ma arko waayo Duqa magaalada Muqdisho maxaa soo dhex galiyay hadii uusan wax ka ogeyn qorshaha Duraan Faarax oo ku caan baxay inuu lugta jiido qof walbo oo wanaag wadanka isboortigiisa u qabanaayo, Tarzan afdheeridiisa waa ninka yiri lagama hadli karo musuqmaasuqa GOS,waayo Tarabi xidid la ah iyo Duraana ay shirko ku yihiin dhunsashada hantida qandaraasyada dib u dhiska caasimada ayaa maamula, balse wuxuu ogeyn in turxaanbixinta hadalada Tarzan iyo ficiladiisa aysan u joogsaneynin.

Tarzan hala su’aalo ma gudiga Olambikada muu xubin ka yahey ? ma Xiriirka Cayaaraha Fudud oo Soomaaliya muu wax ka maamulaa? maxaa ku kalifey inuu xado fikirkii Mudane Cabdulqaadir Caraale iyo Mudane Cabdi Warsame iyo dadkii gacanta siiyay ay ugu horeeyaan hay’adihii maalgaliyay iyo Xiriirka Soomaaliyeed cayaaraha fudud ee ku qabtey magaalada tartankii Nabada 2013 ” Mogadishu Run for Peace 2013.?.

Xishoodkii iyo Iimaankii ayaa moodaa in maanta dadka maamula magaalada Muqdisho ka tagey iyo kuwa isboortiga madaxdeeda sheeganaya ee burcadka noqdey, waxay ila tahey in hada dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada Muqdisho ay ka wadaan Duraan Faarax iyo Maxamuud Tarzan si aad ah loo darsado loona turxaanbixiyo waayo wax la aqbali kara ma ahan sida raqiiska ah ay ku xamalanayaan laga aamuso waayo labadii urur ay ku lahaayeen.

magaalada London oo ay lacaga ku dhici jireen ayay ka bilaabeen mid ka sii xun magaalada Muqdisho iyagoo kale sheeganaya Duq magaalo iyo Xoghaye Olambik.

Tarzan waxaa la gudboon inuu magaalada Muqdisho sidii loo horumarin lahaa ka shaqeeyo sida qashinka faraha badan sidii uga nadiifan lahaa magaalada, sidii hantida dadka masaakiinta xooga looga heysto dib ugu soo celin lahaa, dadka boosaska jidadka degan uga rari lahaa iwm ah, sax ma ahan in isboorti ka soo raadiyo magac aan jirin, sax ma ahan inuu islaamo calamo wato dariiqyada magaalada soo safo madaxda dowlada durbaan u tumo, guulwadeeyo gurbaan tumo. waxaa laga rabaa inuu ka hadlo Ethopiaanka uu ceyn jirey xiligii Madaxweyne Cabdullahi Yusuf joogay wadanka uu dariiqyada London iyo isbitaalada London mudaharaadka ka wadey ee maanta wadanka ku sugan iwm ah.

Docda kale Gudiga Olambikada gaar ahaan Jaalle Cabdullahi Tarabi waxaa la gudboon inuu fiiro gaar ah u yeesho markale Jaalle Duraan Faarax howlaha xagal daacinta ah uu ka wado magaalada Muqdisho iyo faragalinta uu ku haayo kubadda koleyga iyo Cayaaraha Fudud maamuladooda iyo qash qashaada uu ku sameynaayo had iyo goor dadka isboortiga ah ee wadanka waxtari kara sida Cabdulqaadir Caraale iyo Cabdi Warsame, aniga waxaan sheegi karaa sababta uu usameynaayo arimahaan inuu carqaladeeyo maamulka iyo shaqada ay rabaan XSCF inay qabsadaan madaama wuxuu rajo ka qabaa in Olambikada soo socoto dad is xambaar ah ku soo dhex darsado, si ay dadkaasi isaga dhibaan marka ay transit ku soo marayaan wadamadaan, sidii marar badan dhacdey oo hore, waayo xiriirka cayaaraha fudud waxay doonayaa inay si tayo badan uga soo muuqdaan fagaarayaasha caalamka, waana sababta waxaan dhan loo sameeyay in magacooda la xado fikirkooda la dhaco, islamarkaana Sport for peace project looga dalbado dhaqaale, madaama Soomaaliya xubin looga yahey, balse dhacdadaan waxaan ka sameyn doonaa qoraal rasmi ah oo aan u diri doono hey’adaha ruwaayada loo dhigaayo iyo indho sarcaadkaba.

Weli waxaad moodaa in Duraan Faarax uu rabo inuu xiriirada howlahooda gacanta iyo lugta ku walaaqo,waayo haduusan rabin oo sharaf dhawranaayo isagoo Gudoomiyenimo waayayay karaani ma qaateen inuu noqdo, sababta uu gudoomiye u noqon waayana waa lugooyada iyo boobka isboortiga ku wado, balse Xiriirada waxaa laga rabaa inay fahmaan inay howlahooda u madax banaan yihiin, GOS laga rabo un in marka ay soo dhawaato cayaaraha olambikada iyo all African games kale shaqeyso xiriirada ay quseyso sidii looga qayb gali lahaa, waayo xiriir walbo waa u madax banaan tahey howlihiisa waxay leeyihiin dalad caalami ah oo xiriir walbo ku mideysan yahey, wax sii shaqeyn kara ma ahan Olambikada isboortiga gacnaha iyo lugaha

soo gala, xiriirada waxaa muhiim u ah marka ay baxsanayaan koobabkooda ay iyaga baxsadaan meesha laga bixiyo niman iska socdo oo GOS sheeganaya oo koobabka u bixiya howl ay ku soo dhinteen.

Waxaa leeyahay mudane Cabdi Warsame iyo Mudane Cabdulqaadir Caraale iyo hay’adihii maalgaliyay tartankii Mogadishu Run for Peace 2013 hambalyo, hana ka niyad jabina howlaha wadanka u qabaneysaan, burcada magaca dhacdey ee magaca sida xun ku raadineysana waxaan leeyahay isku xishooda imaanka allaha idin yeelo iyo xishood. Aamiin

Qalinkii turxaanbixinta SSPAMEDIA.COM

Yusuf Yusuf

London

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line