Home|


Safiya Axmed Cumar(Safiya Caddey)
<

Safiya oo ka hadleysa Somali Week (Toronto)

Safiya Axmed Cumar oo ku magac dheer safiya Caddey, waxa ay ku dhalatay degmada Howlwadaag (Sigaale) ee magaalada Muqdisho. Safiya waxaa la dhalatay 4 wiil iyo 3 gabdho. Safiya Caddey yaraanteedi ayay aad u jecleed ciyaaraha, gaar ahaaan kubadda kollayga oo ay marwalba ciyaari jirtay. Sida ay ii sheegtay Safiya waxaa ciyaaraha aad ugu dhiirig gelin jiray Abuukar Shiino iyo Ayeeyadeeda. Sannadkii 1985tii ayay Safia markii ugu horeysay ka mid noqotay gabdhaha kubadda kollayga ee naadiga Muqdisho heerka Seddaxaad (Seria C). Iyada uu tababare u ahaa cayaartooygii waynaa ee Abuukar Shiino.
Sannadkii 1986ayay Safiya ku guuleysatay tartankii koobka Ramadaanka ee kubadda kolleyga ee kooxaha heerka seddaxaad.
Isa sannadkaa ayaa haddana loo magacaabay kooxda heerka labaad (Seria B) ee Naadiga Muqdisho. Haddana sannadkii 1987 ayay Safiya ka qeyb gashay ciyaarihii gobolada, iyadoo ku ciyaartay magaca gobolka Banadir. Tartankaasi goboblada ee gabdhaha kubadda kollayga ee sannadkaasi, ayaa waxaa ciyaartii kamadambeynta (Final) isagu soo haray gobolka Banadir uu tababare u ahaa Abuukar Shiino iyo gobolka Waqooyi Galbeed (Hargeysa) ee uu watay Maxamed Farax Qambi. Haddaba ciyartan ayaa waxa ay guusha raacaday Safiya iyo gobolkeedi Banadir. Markii uu dhamaaday ciyaaraha gobolada, ayaa Safiya loo magacaabay kooxda heerka 1aad (SeriaA). Haddana isla sannadkaa ayay nasiib u yeelatay in ay ku guuleysato koobka Jeneraal Da’uud ee gabdhan kubadda kolleyga. Iyadoo halkaasi wacdaro ka dhigtay halkaasi.
Intii ay ku dhexjirtay ciyaarha Safiya waxay mar kasta aad u dhibsan jirtay in ay ka guulesato kooxda Jeenyo, oo markii ay guuldarro kala kulanta kooxdan Jeenyo habeenkii oo dhan ma seexan jirin.
Sannadkii 1989kii ayaa Safiya loo magacaabay kooxdii la oran jiray Xiddigaha (All Stars). Haddna Safiya da’daalkeedi ayey halkaasi ka sii waday, taasi oo keentay in loo magacaabo xulka qarnka kubadda kollagyga ee gabdhaha Soomaaliyeed sannadka markuu ahaa 1990.
Ciyaartii ugu horeysay ee ay u safato xulka qaranka, waxay ahayd koobkii East Africa oo ka dhacay waddanka Ethiopia. Tartankan waxaa ka soo qeybgalay waddamada Kenya, Somalia, Ugandha, Ethiopia iyo Tanzania.
Nasiib darro intii ay joogeen waddankaasi Ethiopia, ayaa Soomaaiya waxaa ka dhacay dagaalkii sokeeye.
Haddaba Safia waxay go’aansatay in ay aado dalka Kenya. Muddadii ay halkaasi joogtay oo ahayd hal sanno, Safiya waxay u ciyaartay laba kooxood oo kala ah Kenya Commerce Bank iyo Buclas Bank.
Sannadkii 1992dii ayay Safiya u dhooftay waddanka Mareeykanka, gaar ahaan gobolka California. Halkaasi ayeyna ka si wadday ciyaartii kubadda cagta. Sannadkii 1993dii ayay ka qeybgashay cayaarihii dugsiyad, iyadoo ku ciyaarta magaca dugsiaga Oaklalnd High School.
Sannadkii 1994 ayay Safiya nasiib u yeelatay in ay ku guuleysato deeq waxbarsho (Scholarship). Halkaana waxay ka bilowday jaamacaddii, iyadoo ka qallin jabisay Unversity of California sanaadkii 1998. Sannadkii 1999 aya u soo guurtay gobolka Minnesotta oo ay haddeer degan tahay.
Safiya haddeer wey ka fariisatay in ay ciyaarto kubadda kolleyg.
Balse weli waxa ay ku dhex jirtaa ciyaaraha iyadoo sannad waliba soo hogaamisa koox dhallin yaro ah ee ka qeebgala tartanak Somali Week ee ka dhaca magaaalada Toronto ee waddanka Canada.
Safiya Caddey intii ay cayaaraha ku dhex jirtay waxay jecleed in ay garbaheeda buuxiyaan cayaartooyda kooxda Muqdisho sida Sudaana Abuukar (Marxuum), Salaado Xassan Abuukar, Frtuun Nuur Salaad, Fartuun Cali Dheere, Seynab C/llahi Yusuf(Seynab Indhadeer) iyo Falisey.
Dhanka xulka qarkana Mulki Nuur Muudey, Ambiyo Cali Suufi, Xijaabo C/Casiis, Saciido Cabdi Faarax, Falis Maxamed Xuseen (Faliseey).

W/D M Busuri