• Xiddigii Reer Ingiriiska ee u Soo Kifaaxay Arsenal Iyo Qaranka Kenny Samson oo La Darsey Darbi Jiifka(Homeless)

London-July-08-2013-xiddigaha.ca--Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ula caraabeynaa xagaa iyo cariga Ingiriiska.
images Imtiaxaanada aduunka iyo mishkiladeeda oo aad u farabadan ayaa ninkii nooli maalin kasta u joogaa,waana tan ka dhacdey magaalo madaxda Ingiriiska ee London.

Haddaba iyada oo aan hore looga baran loona maqlin ciyaaryahanada aduunka caanka ah ayey la soo darsi doontaa darbi jiif (Homeless).

Saaxiibayaal qisadani waxay ku habsatey xiddigii reer England ee u soo kifaaxay qaranka iyo Naadiga faca weyn ee Arsenal Kenny Sansom.

Kenny Sansom oo ahaa difaacyadii ugu wanaagsanaa kubadda cagta ee soo marey Arsenal iyo qaranka ayaa lagu arkay galabnimadii Sabtidii aynu soo daafney isga oo hurda kabahiisana barkan mid ka mida dukaamada bilicsan ee badhtamaha London.

Asxaabtay Xiddigan Sansom oo ay balwaddu aad u jiidatay una go’ay inuu la shuraakoobo Khamaarka iyo Khamricab badan ayaa kasbatey inuu waxoogaagii lacagta ahayd ee uu shaqeystey intii ciyaaraha ku jirey aay noqotey hal bacaad lagu lisey.
1639Xiddigan oo xulka qaranka ee Ingiriiska u safety 86-kulan,haddaba ciyaartoyda Ingiriiska ee ka xamaasha halkaa ayaa dadaal uu jira sidii ay uga furdaamin lahaayeen miasiibadan ku habsatey Kenny Sansom.

W/Qorey Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.ca
jjaahuur@Hotmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line