• Dixon & Toronto United Oo Soo Gaaray Semi-final

Waxaa garoonka weyn ee The Soccer Centre ciyaar aad u xiiso badan isaga hor yimid kooxda Dixon FC iyo Rochester NY

Ciyaartan oo ku bilaabantay jawi aad u qurux badan ayaa bilowgii ciyaartaba waxaa weerar lagu soo qaady goolka Dixon. Wixii weerar isdab joog ah lagu haaybaba reer Rochester waxaa u suurtagashay iney halkaasi gool quruxoon ka dhaliyaan.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0.

Intii lagu jiray nasashada ayaa tababaraha kooxda Dixon uu wax ka beddelay qaab ciyreedka kooxdiisa

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta qeybteeda dambe Dixon ayaa dhowr weerar kadib ay u suurto gashay iney helaan goolkoodi bar bardhaca. Goolkan ayaa waxaa si qruxoon shabaqa ugu hubsaday A.k.

Wax xogaa kadib ayaa haddan Cabinasir uu laad xoog ah intuu meel fog ka soo tuuray goolhayaha Rochester daba mariyay.

Inkastoo ay Rochester ku da'daleen iney isa soo gudaan gookan, haddan wey u suurtagali weyday, ciyaartan waxay ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Dixon.

Dixon FC ayaa sidan ugu soo gudubtay ciyaarta Semi-finlka iyadoo leh 6 dhibcood welina ay u harsan tahay hal kullan.

Sidoo kale Toronto United oo iyaguna hore uga so badiyay isla kookxdan Rochester ayaa guusheedi labaad ka qaadatay kooxda Galmudug kadib markii ay 3-0 beerka u gelisay.

Kooxda Toronto United ayaa iyadan sidan ku yeelatay 6 dhicood una soo gudubtay semi-final.

Qeybtan (Group) A ayaa waxaa ka boorso xertay Galmudug iyo Rochester Juniors oo labdii kullan ay yeeshteenba laga wada badiyay

Halka kooxaha Dixon FC iyo , Toronto United ay u soo gubbeen semi-final iyagoo min 6 dhibcood leh.

Inkastoo ay labadan kooxoodba ka soo gudbeen wareega kowaad hadda waxaa u harsan ciyaar ay labadoodi wada yeelan doonaan

Ciyaartan kooxdii badisa waxay noqon doontaa hagaamiyaha qeybta A ama A1. waxayna la ciyaari doontaa B2.

Qebta (Group)B oo ayaa waxaa isaga hor yimid kooxd Seif FC oo hore guul darro kala soo kullantay ciyaartii kowaad. iyo kooxda Iftin.

Kooxda Iftin ayaa garoonka la soo galay ciyaartooy aad u da' yar. Inkastoo ay da'daleen haddan waxaad moodeysaa in waayo aragnimo la'aan lagaga guuleystay.

Maxamed Seif iyo Cali Bashi oo hogaaminaayey kooxda Sief ayaa si dhib yari ah halkaasi 3da dhibcood kala hooyday.

Qeybtan (Group) B ayaan weli la sii saadaalin kariin kooxda ka so gudbi doonta ilaa iyo imminka waxaa min 3 dhibcood ku hogaaminaya Rochester Seniors iyo Seif FC.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 

 

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line