• DIXON FC Oo Ku Durdurisay SEMCY

Waxaa maalinimaddii Sabtidda ee ay taariikhdu ahayd 15 ka June 2013 ka dhacay garoonka Summerlea Park ee ay Somalidu u taqaan Albion ciyaaro aad u xiiso badan oo dhex martay kooxaha U10 DIXON FC iyo SEMCY; U10 HORSEED iyo HILAAC; iyo U14 HORSEED iyo HILAAC.

Haddaba akhristow ciyaartii ugu xiisaha badnayd ee ay dadweynuhu indhaha ku hayeen ayaa waxay ahayd midda ay iskaga horyimaadeen U10 DIXON FC oo uu watay ciyaartooygii weynaa ee gobolka J/Hoose Mahamadi Bakari iyo Codka iyo kooxda kale ee U10 SEMCY oo uu watay Anwar Tabit oo aad looga yaqaano magaaladda Toronto.

Ciyaartan oo aad u kululeyd labadda kooxoodna ay horay ugaga soo badiyeen HORSEED iyo HILAAC watayna min 6 dhibcood ayaa fooda is daray, DIXON FC waxay si fiican oo xarago leh ugaga badisay kooxda SEMCY oo ay ku tiri waxaan u aarnay kuwii naga waaweynaa, 2-0 na barkinta gashadda. Waxaa labadda gool u kala dhaliyey kooxda DIXON FC ciyaartooyda kala ah Bilaal Kamaal iyo Ali Ahija oo garab ka helayey Yasir Mahamaadi, Guled, Abdirahmen, Yasiin, Mohamed Codka, Mohamed Ali Farey oo aan magacyadooda ka soo xigtay daawadayaashii ciyaarta oo afka ku hayey .

Ciyaartii U10 HORSEED iyo HILAAC ayaa hayd iyaduna mid adag waxaana la isla mari waayey 1-1 waxaana u kala dhaliyey Abdulahi Xasan (Horseed) iyo Iman (Hilaac).

Ciyaartii kale ee U14 ka HORSEED iyo HILAAC ayaa waxay ku dhamaatay 1-4 ay guushu ku raacday HILAAC.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line