Home|
Shibis Oo Ku Guuleysatay Koobka Ramadaanka 2004


SHIBIS CHAMPION!!!!!


Kooxda Shibis oo ku guuleysatay koobkii Ramadaanka 2004.

Toronto Nov.13,2004. Kooxda Shibis ayaa si xarago leh ugu guuleysatay koobkii Ramadaanka 2004. Kadib markii ay cayaarta kamadambeynta(Final) ay 2-1 ugu awood sheegatay kooxda W/dhiigley. Dadkii ka soo qeybgalay daawashada cayaarta ayaa waxaa ka mid ahaa tababarihii caanka ahaa ee kooxda horseed : Ibrahim Sudaani oo isagu kaga yimid waddanka Mareykanka ,magaalada Rochester NewYork. Iyo cayaartooy kale oo caan ku ahaa cayaaraha kubadda cagta Soomaaliyeed.

Ciyaartan ayaa ku bilaabantay jawi aad u qurux badan, iyadoo aad arkaysay in labad kooxoodba ay si aad ah u soo tabaabushesteen. Kooxda Shibis ayaa groonka ku gashay iyadoo u ek kooxda Juventus. Halka kooxda Wardhiigleyna ay sidatay funaanadihii kooxda Inter. Bilowgii cayaartaba labada kooxood waxey bilabeen in ay si xoog leh isu weeraraan. Daqiiqadii 10aad ayaana kooxda Shibis goolka ku hormartay, goolkaasina waxaa u saxiixay Rooble. Intaa ka dib ayey kooxda Wardhiigley iyaduna weerar xoog leh qaaday, iyagoo helay fursado aad u qaali ah haseyeshee ay iska lumiyeen. Daqiiqadii 30aad ayaa haddana Shibis goolkeedi labaad heshay goolkaasina waxaa si qurux badan u dhaliyay Maxamed Shariif. Cayaarta qeybteedi horena waxey ku dhamaatay 2-0 oo ay Shibis ku hogaamineyso. Qeybtii labaad ee ciyaarta markii ay socotay 30 daqiiqo ayaa kooxda Wardhiigley loo dhigay rigoore(Penalty) waxaan gookaasi shabaqa ku hubsaday Aadan oo ahaa goolheeyaha kooxda. Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa aad u gacan sareeyay kooxda Shibis. Hase yeshee qeybtii dambe ee cayaarta gaar ahaan daqiiqadihii ugu dambeeyay ayaad moodeysay in kooxda Wardhiiglay ay gacan sareyeen. Cayaartan waxaa dhaawac ku soo gaaray labada cayaartooy ee walaalaha ah una cayaara kooxda Shibis kuwasoo kala ah C/Salaam oo difaaca ah iyo Cali Baashi oo qadka dhexe ka cayaarayey. Runtii markii ay dhaawacmeen labadan cayaartooy kooxda si wayn ayay u dareentay, walow ay da'daal weyn muujiyeen cayaartooydii lagau beddalay. Gabagabadii cayaarta waxey noqotay Shibis oo ku guuleysaty 2-1 halkaana ku hanatay koobkii Ramadaanka 2004.

Waxaa xusid mudan in kooxda Shibis ay ku guuleysatay koobkan iyadoo aan marna barbardhac gelin lagana badin. Inta kulan ay yeelatay kooxda iyo natiijooyinkeedi waa sidan:

ISARAGII HORE

Shibis 6-1 Teyteyley

Shibis 4-1 Islii

Shibis 7-1 Wardhiigley

SEMIFINAL

Shibis 1-0 Rochester NY

FINAL

Shibis 2-1 Wardhiigley

Tartaka Dhaliyeyaasha waxaa ku guuleystay Rooble (Shibis) oo dhaliyey 7 gool.

Cayaartooyga sannadkana waxaa si wadjir ah loogu doortay Xassan Ciise iyo Cali Bashi oo labaduba ka tirsan kooxda Shibis.