• Macalin Shiikha oo Cabasho u gudbiyay XSKK

Macalinkii hore xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliya CabduqaadirXaaji Daahir Shiikha ayaa cabasho u gudbiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga, Macalin shiikha ayaa ka cabana Xoghayaha XSKk Saciid Faarax Ducaale oo uu ku sheegay in uu ku tilmaamay nin
burburinaya Kubadda Kolayga.

Macalin shiikha ayaa XSKK ka dalbaday in ay jawaab ka siiyaan eedaymaha uub ka tirsanayo Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale.

Halkan ka akhriso warxbixinta Macalin Shiikha uu u so gudbiyay XSKK:

Ku: Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee k/Koleyga.
OG: Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga.
OG: Madaxda Olimbikada Soomaaliyeed.
Dacwad ku socota Xoghayaha XSKK
Said Farah Du’aleh

ASCWW.. Salaan dabadeed Madaxda ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto waxaan marka hore u soo gudbinayaa in ay akhriyaan lifaaqa hoose oo ah aflagaado lagula kacay qaar ka tirsanaa maamulkii, macallimiintii iyo cayaartooydii hore ee xulka qaranka Soomaaliyeed
ee K/koleyga. http://www.sspamedia.co.uk/qaniimo-qabiil-iyo-burburinta-basketka somaliaereyadii-dr-said-farah-dualeh

Waxaan u arkaa inay tahay arrin aad u foolxun oo laga argagaxo, aadna looga xishoodo in shakhsiyaad la iska aflagaadeeyo , laguna tilmaamo inay yihiin qaran dumis, qabiilaysi iyo dad ka shaqaynaya isku dirista bahda isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda koleyga.
.Ruuxa qaabkaasi nagu sifeeyay waxa ay ahayd in marka hore uu isagu dib isku xisaabiyo , taariikhdana rogrogo inta uusan annaga na I jaafayn

Hadalada aan meelna loo dayin ee uu ku hadlay xoghayaha XSKK Said Farah Du’aleh waa kuwa uusan ka fiirsan, meel ka dhacna ku ah xiriirka uu mas’uuliyaddeeda hayo, waayo waxaa uu kala garan waayay oo isaga qaldamay hawsha loo igmaday, waxa uu ku dhex jiro oo ah dacaayadaha
raqiiska ah ee uu doonayo inuu sumcaddayda wax iigu dhimo, bulshadana
isaga horkeeno.

Marka laga hadlayo waxqabadka iyo taakulaynta xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga , qofba dhinac ayuu uga jiraa , ha noqdo mid maamula, mid tababara, mid cayaara, mid garsoora, iyo mid taageera intaba, intaasina waxaan filayaa inaan anigu shakhsi ahaan dhexda uga jiro…Tusaale waxaa kaaga filan 3dex bilood oo aan magaalada Muqdisho soo joogay iyo hawlihii baaxadda lahaa oo aan soo qabtay ha noqoto dhinaca tababarka cayaartooyda iyo aqoon kororsiga Macallimiinta..

Su’aashu waxay tahay xoghayaha XSKK ma waxqabad ayuusan u arkin in dadka Muqdisho ku nool, macallimiintooda iyo dhallaankooda isboortiga ee kubadda koleyga ku hawlan la caawiyo oo aqoontooda sare loo qaado?
Waxaan kale oo waydiiyay Anigu ma XSKK ayaan taakulaynayay mise dano
gaar ii ah, qaran dumis , qabiil iyo isku diris ayaan ka shaqaynayay?
Waa arrin u baahan in XSKK masuuliyiinteedu ay ka jawaabaan arrimahaasi.

Marka aan si gaar ah isaga hadlo Waxaan ahay/horayna u ahaa: -Macallin heer caalami ah oo aqoontiisa gudaha dalka iyo dibaddaba ay ka faa’iidaystaan dhallaanka Soomaaliyeed ee u baahan, kuna kalsoon aqoontiisa. -Shaqsi u soo kifaaxay calanka Soomaaliyeed oo xirtay funaanadda buluugga ah oo xiddigta cad dhexda kaga taallo, goobo badanna ku difaacay calanka Soomaaliyeed hadduu xoghayaha wax ka yaqaano taariikhdayda K/Koleyga.

- Shaqsi garan kara qiimaha ay qaranimadu leedahay, maadaama aan
xirtay funaanadda astaanta qaranka.
- Shaqsi sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada isboortiga gaar ahaan k/koleyga.
Marka suurogal ma aha, mana iga noqon doonto inta aan noolahay in
aan hor istaago oo ka shaqeeyo duminta isboortiga qaranka Soomaaliyeed , ka shaqeeyo qabiil oo aynu ognahay halka uu maanta dhigay ummadda Soomaaliyeed.

Calaakulli xaal,War badan waxba ma taro, Madaxda XSKK , Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga, Madaxda Olimbikada Soomaaliyeed, bahda kubadda koleyga wiilal iyo gabdho meel kasta oo ay ka joogaan dacalada dunida,iyo dhammaanba dadka jecel isboortiga horumarintiisa, waxaan la socodsiinayaa in arrimaha la igu sheegay in aan Bari ka ahay oo aanan shaqo ku lahayn.

Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa inay waydiiyaan mas’uulkooda i aflagaadeeyay in uu hayo wax caddeyn ah oo muujinaya inaan qaran dumis, qabiil iyo isku diris ka shaqeeyay, una soo bandhigo saxaafadda... Haddii kale waxa ay u muuqanaysaa in raalli looga yahay mas’uulkaasi hadalada meel ka dhaca ah uu igala dul dhacay, una muuqda mid lagu sii kala fogaynayo bulshada isboortiga ee nadiifka ka ah qabyaaladda iyo qaran dumiska.

Waxaan idinka sugayaa jawaab waafi ah.
Mahadsanidiin
Abdulkadir Haji Dahir (Shiikha)


Cabduqaadir Xaaji Daahir (Shiikha) u soo ciyaaray Xulka qarannka dalkeena waxaana lagu tiriyaa ciyaartoydii ugu wanaagsanayd ee soo mara kubadda kolayga soomaaliyeed isla Markaana waxuu macalin usoo noqday xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliya,
Macalin Shiikha ayaa ayaa 23 sano kadib dib ugu soo laabtay dalka 2013-kii isagoo tababar u fidiya Macalinmiinta iyo Ciyaartoya u diiwangashan XSKK ku dhawaad 3 bil uu dalka ku sugnaa, Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa laga sugayaa sidii uu arintan u xalin lahaa maadaama qofka cabanaya uu yahay ciyaaryahan taariikh wanh ku leh kubadda kolayga Soomaaliyeed Macalina u soo noqday xulka qaranka kubada kolayga qofka laga cabanayana uu yahay Xoghayihii XSKK Saciid Faarax Ducaale.

Hussein Mohamed Hadafow
hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line