• Tababaraha Xulka Qaranka Nigeria Samson Siasia Muxuu Galabsadey?

Nigeria-Abuja-Oct-27-2011-xiddigaha.com-Ottawa-Saxiibayaal faaqidaadeena ciyaaraha waxaynu ku lafagureynaa tababaraha xulka qaranka ee Nigeria Samson Siasia mxaa si ka ah?
Tababaraha kubadda cagta ee Nigeria Samson Siasia ayaa qarka u saaran in Jimcaha laga takhaluso. Haddaba maxaa lagu suusey?
Xiriirka kubadda cagta ee Nigeria (NFF)Nigeria’s Football Federation ayaa ku dhawaaqey Samson Siasia in go’aan laga gaadhi doono Jimcaha Oct-28-2011- inuu sii joogi doono ama uu ka huleeli doono.
 
Haddaba Siasia culeyska saaran wuxuu yahay markii Xulka qaranka ee lagu magacaabo Super Eagles ee Nigeria ay ka hadheen u soo bixidda (QUALIFY)koobka Africa (Cup Of Nation).Haddaba guddiga farsamada ayaa go’aan ku gaadhay Fridayda inuu Siasia sii joogi doono ama uu ka shubi doono sidaasna waxaa yidhi oo BBC-Sport u sheegey Afhayeenka NFF Olajire.Waxaan aad ugu dadaali doonaa sidii kooxda qaranka ee Super Eagles ugu soo noqon lahaa sumcaddii iyo ciyaar wanaagii ay ku lahayd Fifa,Africa iyo aduunkaba sidaana waxaa ka dhawaajiyey Afhayeenka NFF Olajire.
 
Saddex wiik ka hor (Three Weeks Ago) Waa markii ugu horeysey ee kooxda Qaranka kubadda cagta ee Nigeria Super Eagles ay ka hadhaan horyaalka koobka Afrika Cup Of Nation ilaa 1986 ee lagu dhigey Egypt.Waxa kale oo wali aan ka soo bixin koomadii ay galeen taageerayaashii reer naygeeriya ee ku faani jirey Super Eagles markii ay brazil dhagaha ka garaaceen.
Waxa kale oo xusid mudan markii madaxweyna Nigeria Good Luck uu labo sanno kala direy kooxda Qaranka markii wareegyadii ugu horeeyey af madhan kala soo noqdeen koobkii kubadda cagta ee aduunka lagu qabtey South Afrika,haddaba waxaas oo guul daro ah ee iskugu darsamay tababaraha kooxda qaranka ee Nigeeriya SUPER EAGLES Samson Siasia ma hayaami doonaa Jimcaha soo soda mise wuu joogi doonaa taasi waxy ku xidhantahay guddiga farsamada ee (NFF).
 
W/D-Jaahuur-Ottawa
 
 
xiddigaha.com
 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line