• Soomaaliya oo guulo ka keentay Cayaaraha Wadamada Islaamka

 

Waxaa Magaalada Palempang ee dalka Indonesia, si habsami leh ugu socda Cayaaraha Wadamda Islaamka ee 2013, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Cayaartoy Soomaaliyeed oo uu Hogaaminayo U-qeyb-sanaha Guddiga Olympic-da Soomaaliyeed (GOS) ee Xiriirka Wadamada Carabta iyo Islaamka Mudane Cumar C/qaadir Baarajab, iyadoona Soomaaliya ay ka qeyb gashay Tartamada Cayaaraha Fudud (Orod) iyo Cayaarta loo yaqaan Taekwondo.

 

Cayaaryahan Mohamed Deeq oo ka mid ahaa Cayaartoyda Soomaaliya ugu qeyb gashay Tartanka Taekwondo-ga isla markaana ku tartamayay miisaanka 63-kl, ayaa 27 kaga badiyay Cayaaryahan u cayaarayay dalka Guyana oo u dhashay Latiin Amerika, taasi oo noqotay Guushii ugu horeesay oo ay Soomaaliya kasoo hoyso Cayaarahaasi.

Cayaar aad u adkeed oo ka mid aheyd Tartanka Taekwondo-ga ayaa waxaa ay dhex martay Gabadha Soomaaliyeed ee lagu Magacaabo Salima Ismaciil iyo Gabar ka socotay Wadanka Maleysia, kuwaasi oo ku tartamayay Miisaanka 53-kl, waxa ayna daqiiqadihii loogu tala galay labada Gabar isla dhaafi waayeen 4/4 bar-bar dhac, daqiiqado dheeri ah oo cayaarta lagu daray ayaa mar kale waxa ay labada gabar isla dhaafi waayeen 0/0 bar-bar dhac, iyadoona guddiga Garsoorka markii danbe ay go'aansadeen in Cayaar wanag guusha lagu siiyo Gabarta u cayaareysay dalka Maleysia, inkastoo ay tahay Guul usoo hooyatay Soomaaliya, maadaama la loodin waayay Salima Ismaaciil oo huwaneed Calanka Soomaaliya.

Cayaaryahan Cabdullaahi Barre oo ka qeyb galayay Tartanka Cayaaraha Fudud (Orodka 1500M) ayaa labadii wareeg ee ugu horeesay si aad ah ula jaan qaaday Cayaartoyda kale, balse wareegii ugu danbeeyay xilli ay u harsaneed 300m, ayaa awood loogu tagay, waxa uuna ku guuleestay kaalinta 10-aad, isagoona ka horeeyay 6-dal oo ka mid ah wadamada Islaamka

.

Waxaa maanta Cayaartii ugu danbeesay Cayaaray Cayaaryahan Faisal Jeylaani Aweys, oo ku tartamayay Miisaanka 67-kl ee cayaarta teakwondo-ga, waxa uuna la cayaaray Cayaaryahan ka socday dalka Indonesia oo ah halka lagu marti gelinayo Cayaaraha wadamada Islaamka, balse Faisal ayeesan u suura galin in uu guul ka keeno Cayaartaasi.

Soomaaliya ayaa lagu Amaanay guulaha iyo Cayaar wanaaga ay ka muujiyeen Tartanka Wadamda Islaamka, iyadoona Cayaaryahanada kala ah Mohamed Deeq iyo Salima Ismaciil ay Magac iyo Guul usoo hoyeen Calanka Soomaaliya.

Salah Hassan Omer (Salah Dheere)

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line