• Xulka Junior-ka Soomaaliya oo ku sugan Khartuum

     

Xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17-ka sano ayaa ku sugan magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan halkaas oo ay xalay abaara 8-dii fiidnimo ka dageen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kahrtuum.

Ciyaartoyda da’yarta ee dalka Soomaaliya ayaa dhigooda Sudan la yeelanaya cayaar ka mida is reeb reebka koobka dhalinyarada ee Qaarada Africa taas oo dhici doonta 21-ka bishan sida jadwal horay loo shaaciyay lagu sheegay.

“Labada xiriir ee Soomaaliya iyo Sudan ayaa ku heshiiyay in la dheelo cayaar hal lug ah laguna qabto magaalada Kahrtuum, sidaa daraadeed cayaartu waxaa ay dhacaysaa maalinta jimcaha ah ee inasoo aadan. Hadii cayaartu ay bar bar dhac ku dhamaato waxaa jiri doona rigooreyaal kadibna dalkii badiya ayaa usoo gudbi doona wareega labaad ee is reeb reebka cayaaraha dhalinyarada Africa”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo maanta saxaafada la hadlay.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in maadaama xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ayan ahayn mid wanaagsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta aanay suuragal u ahayn in cayaar caalami ah uu dalka ku marti geliyo sidaa daraadeedna la go’aansaday in hal lug lagu cayaaro magaalada Kahrtuum.

Wafdiga xulka qaranka Soomaaliya ee jooga Sudan ayaa waxaa hogaaminaya Cali Cabdi Maxamed oo ka mida guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaana maamulaha kooxda ah Caamir Cabdi Xasan oo Soomaaliya u fadhiya Ururka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA xubina ka ah guddiga dhaqaalaha CECAFA.

Wasiiru dowlaha wasaarada dhalinyarada iyo Sportiga Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa la socda kooxda qaranka waxaana uu dalka Sudan kulamo kula qaadan doonaa wasiirka sportiga dalkaasi iyo masuuliyiin kale oo dowlada Sudan ka tirsan.

“Labada dal waa walaalo waxaana ay leeyihiin xiriir laba geesood ah oo waqti dheer jiray waxaana inta aan ku suganahay magaalada Khartuum aan wada hadalo la yeelan doonaa madaxda Sudan gaar ahaana wasaarada sportiga oo aan ka wada hadli doono sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta labada wasaradood ee Soomaaliya iyo Sudan”ayuu yiri wasiiru dowalha wasaarada dhalinyarada iyo Sportiga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali oo saxaafada la hadlay.

Wasxaa uu wasiirku sheegay in dowlada Soomaaliya ay aad ugu galad heyso dowlada iyo shacabka Sudan gacanta walaaltinimo oo ay u fidiyaan Soomaaliya gaar ahaana dhanka wax barashada oo sanad kasta boqolaal Soomaali ah deeq wax barasho laga siiyo dalka Sudan.

“Taasi ma ahan wax hada bilaabmay laakin deeqaha wax barasho ee sudan siiso Soomaaliya tobanaan sanadood ka hor ayay soo jireen”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay wasiiru dowlaha dhalinyarada iyo Sportiga dalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali.

By Shaafici Muxuyadiin Abuukar

Email:shaficiislow@yahoo.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line