• Somali Youth Festival Toronto September 1,2012

 

Akhristayaalka qaayaha badanoow waxaa naadiga AFRO-CAN SC ee ka dhisan magaaladda Toronto ee dalkaasi Canada oo ay ku midoobeen Hamilton Lions, Hilaac SC, Horseed SC iyo Dixon FC oo u istaagay barbaarinta iyo tababaridda caruurta yaryar gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku nool Toronto iyo agagaarkeeda ay qabanayaan sannadkii labaad ONE DAY TOURNAMENT oo lagu soo gabagabeynayo horyaalkii labaad ee AFRO-CAN SC.

Waxaa ciyaarahan ka soo qaybgalayaa caruurta ay da'doodu tahay U9, U11, U13, U15, & U17 ee afarta naadi waxayna ciyaarahani ka dhici doonaan garoomadda SUMMERLEA PARK amase ay Soomaaliddu u taqaano ALBION waxaana caruurta loo diyaariyey BBQ.  Guud ahaan waxaa la ciyaari doonaa 30 ciyaarood oo ay da' waliba ciyaari doonto 3 ciyaar.



Waxaa munaasabadan ka soo qaybgali doona ciyaartooy badan oo magac iyo maamuusba ku lahaa ciyaarihii waddankeena waxaa sidoo kale ka soo qaybgali doona madax ka tirsan gobolka Ontario (MPP) iyo waliba kuwo ka socda Federalka (MP).

Ka soo qaybgal wanaagsan.


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line