• Xaggee ay martay lacagtii loogu talao galay dhismaha Stadium Muqdisho

The Goal project waa barnaamij ay ugu talo gashay FIFA in dib loo dhiso garoomada kubada cagta lagu ciyaaro ee wadamada dagaalada sokeeye ay wax yeeleen. FIFA ayaa waxaa loo soo gudbiyay sanadka markuu ahaa 2008 qorsho ah in dib loo dhiso Stadium Muqdisho.

FIFA ayaa waxey ogolaatay iney ku deeqdo Xiriirka Kubada Cagta ee Somaliya lacag gaareysa USD 1,159,806 si dib loogu dhiso Stadium Muqdisho. Hadaba waxaa is weydiin leh xaggee ay mareen lacagahaasi iyo qaabka loo qaatay?

Dad faro badan ayaa waxey ka hadlaan Sportiga Soomaliya iskana dhiga iney wax u qabanaayaan laakin nasiib darro ka ma hadlaan runta waxey isku mashquuliyaan wax aan micno laheen. Dadkasi waxaa haboonaan laheyd iney ka hadlaan lunsiga loo geeysanaayo Sportiga iyo Ubadka Somalia lacagahii wax lagu qaban lahaa halka ay martay.

Hadaba lacagahaasi sida aan qabo iney wada galeen af libaax haddii arrintani laga aamusana micnaheedu waxey tahay in raali laga wada yahay iyo cid walba oo jago sport rabo inuu qabto uu lunsi u socdo.

Waxaan aaminsan nahay in Sportiga loo shaqeeyo ma aha in lagu shaqeeysto. Ugu dambeyntii waxaan idin xusuusin lahaa su’aashii qiyaamo iney qof walba ay sugeyso.

Xigasho:

http://www.fifa.com/associations/association=som/goalprogramme/newsid=798422.html

Mohamed Ali Haji Shiikhey
Xafiiska Xiddigaha.ca. Toronto

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line