Home|
Ku soo dhawaada Barnaamijkii Xiddigaha.


TAARIKHDII SPORTIGA EE SOMALIYOW:


C/llahi Axmed (Somaliyow)

Barnaamijkeena maanta ee Xiddigaha waxaan idinkugu haynaa taariikhdii C/llahi Ahmed oo bahda sportiga ay ugu yeraan Somaliyow.

Jamaame
Cabdulahi wuxuu ku dhashay magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Waaguu yaraa, Aabihiis Cabdulqadir Bluu ( Allaha u naxariistee) ayaa ku dhiiri geliyey in uu ciyaartooy noqdu, waayo Cabdulqaadir naftiisa ayaa kooxaha Jamaame iyo Kismaayo u ciyaari jiray. Kolka waaxa dhihi karna Somaliyow raadkii aabihii ayuu raacay. Markuu soo barbaarayna kamid noqday ciyaartoodii ugu firfircooneed ee Degmada Jamaame halkaaso uu ahaa laf dhabarka kooxda Jamaame. Cabdulahi waxuu noosheegey in Jamaame eey aheed Braasiisha( Brazil) Jubbada Hoose, waayo caan bey ku aheed ciyaar wanaaga inta badana ka adkaani jirtay Kismaayo. Laacibiintii caan aheed ee waagaa Jamaame u safan jirtay waxaa ka mid ah; Cali Cubayd ( Allaha u naxariistee), Salaad Shiine,Sabtow, Xassan Shideeya, Iishow, Askarow, Buraaleh, Cumar Cadami iyo Cabdiraxiim Shiine iyo Bileey.

1974: Kismaayo
Cabdulahi Somaliyow wuxuu u wareegay kooxda Dekeda Kismayo halkaaso uu joogay ilaa iyo 1979. Intuu Kismaayo ka ciyaaray, Cabdulahi waxaa soo amaahaday Dekeda Muqdisho oo mudo lix bilood ah u ciyaarayey kadibna kooxdiisii Kismayo ku laabtay. Somaliyow wuxuu ka mid noqday xiddigaha cayaarah kubadda cagta ee Gobolka Jubbada Hoose iyo kooxda Badda, sababtoo ah wuxuu aha nin darbo dheer oo gool dhaliye ah. Wuxuu ku shaacbaxay No:9 oo waliba waxaa yaala( record) ah dhalis gool ciyaar kasta muddo laba horyaal ah ( laba sano). Taas waxay keentay in Somaliyow uu muteestay qadderin ka timid xagga bulshada Jubbada Hoose ku dhaqan.Cabdulahi waxuu noosheegay in ciyaartooy badan oo reer Kismaayo ah weli qalbigiisa eey ku qoranyihiin. Waxaana ka mid ah Diili Mahaadi, Abshir Bide, Khaliif Riiko, Aashaabir, Siciid Galti, Saanjo, Barkaan, Kuduungu, Diini Nuur, Cafiifi, Shaash, Xabaani, Tarzan iyo macallin Qariidi.

1983: USA
Cabdulahi Somaliyow, waxaa la yiraahdaa waa Aabihii Kubbada Cagta ee North America. Arrinkaa waxuu ku yimid, Isla markii uu yimid Mareekanka 1983dii waxuu ka qayb galay abaabulkii kooxda Washington Somali Stars oo uu weli xubin ka yahay. Haatan Cabdulahi waa gudoomiyaha kooxda Washington Somali Stars. Cabdulahi wuxuu wax barashadiisa ku dhameeysatay George Mason Univesity oo uu Masters ka qaatay . Waxaa kaloo Cabdulahi khibrad wax barasho u tegay University of Economics Beijin ( China), University of Economics Geneve( Switzerland) iyo Oxford University England.

Haatan Cabdulahi wuxuu ku noolyahay Chantilly, Virginia oo ku taal Washington agaggarkeeda una shaqeeya Library Of Congress, Washington DC. Cabdualhi Somaliyow waa xaas ( Nura Cabdi Buraleh) iyo 3 caruur ah oo kala ah Abyan, Amaan iyo Aragsan.

 

 

W/Q Mohamed Busuri
mbusuri@sosca.ca