• Somali Week Cup Toronto June 30- July 12, 2009

Tartanka kubadda cagta ee la magac baxay Somali Week ayaa magaalada Toronto ee waddanka Canada ka furmi doonaa bisha June 30keed isagoo socon doona ilaa iyo July 12,2009.

Tartanka sannadkan ayaa u muuqda mid ka xiiso badan kuwii sannadihii la soo dhaafay, iyadoo ay ka soo qeybgali doonaan 16 kooxood oo ka kala socda Canada, USA iyo Yuurb.

Kooxahan ayaa iyagu loo qeybin doonaa affar qeyb (Group) oo qeybkasta ka kooban 4 kooxood.

Labada kooxood ee ugu dhibcaha badan ayaa qeybkasta ka soo bixi doonta sidaana wareega labaad ay 8 kooxood ku soo hari doonaan.

Ciyaarahan ayaa waxay ka dhici doonaa garoomada weyn ee Centennial Park iyo Esther Shiner Stadium.

Dhamaan kooxaha ka soo qeybgalaya tartankan ayaa waxaa lagu wargelinayaa iney dhowraan sharciyada tartanka oo ka duwan kuwii sannadihii hore.

Kooxdii iyada u hogaansamiweydo sharciyadan ayaan loo ogolaan doonin iney ka qeybgasho tartankan.

Sharciyada Somali Week Cup 2009 ayaa waxaa ka mid ah:

1) Koox kasta waa iney ka koobnataa ugu badnaan 20 ciyaartooy, 1 Tababare iyo 1 Maamule.

2) Ciyaar kasta waa iney kooxda soo gudbisaa magacyada ugu badnaan 18 ciyaartooy oo ka mid ah 20ka ciyaartooy. 11 ciyaartooy oo garoonka galaya iyo 7 kayd u ah. Halka labada kalena ay ka mid noqon doonaa daawadayaasha.

3) Ciyaartooygii ay kooxdiisa maalinta ay ciyaarta leedahay lagu soo daraa liiska ciyaartooyad isla markaana soo xertaa funaandda (Maaliyda) kooxda, koox kale uma ciyaari karo.

4) Koox kasta waxaa loo ogol yahay oo KELIYA hal ciyaartooy oo ajnabi ah. Kol haddii uu ciyaartoygan uu kooxda u soo safto looma ogolaan doono iney kooxda ku beddesho Ajnabi kale.

5) Tababaraha kooxda iyo Guddoomiyaha kama mid noqon karaan ciyaartooyda.

6) Qof ka mid ah guddiga qaban qaabinta tartanka sinnaba ugama mid noqon karo koox ka qeybgaleysa tartankan. Haddii si kale loo dhigo ma noqon karo ciyaartooy, maamule ama tababare.

7) Ciyaartooy kasta waa inuu soo gudbiyaa 2 sawir si loogu sameeyo warqadda aqoonsiga, tasoo la'aanteeda aan ciyaartooyga loo ogolaan doonin inuu garoonka galo.

Fiiro Gaar: Kooxaha dibadda waxaa loo sheegayaa in guddiga qaban qaabinta ay siin doonto Qado oo keliya. Cashada, Jifkooda iwm waa iney ku soo talo galaan.

Wixii faa-faahin intaa dheer kala xiriir:

Mukhtar Mohamed Ahmed (Mukhtar Cuti) 416-457-5706 Email: mukhtarcuit@hotmail.com
Saadiq 647-889-0686 Email: sadiksadik7@gmail.com

koobka Dhallinta Cuslaatay

Sannadkan ayaa waxaa iyagana si gaar ah koob loogu dhigi doonaa ciyaartooyad cuslaatay. Tartanka ayaa waxaa ka soo qeybgali doonaa 2 koox oo ka socota Canada, mid ka imaaneysa Yurub iyo hal metteli doonta USA. Ciyaartooyada kooxahan ayaa badankooda noqon doonaa ciyaartooydii hore ee heerka kowaad "Serie A" iyo xulka qaranka. Waxaa la filayaa in koobkan uu si gaar ah ku soo xusiisin doono waagii nabadda iyo garoomadii Muqdisho Stadium iyo Stadio CONIS

Insha Allaha shabakadda www.xiddigaha.ca ayaa ka haqabtiri doontaa dhamaan kullamada tartankan iyo faaqidaada ciyaaraha oo dhan.

 

W/D: Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line