• Northern Stars Champions

Cayaarihii Soomaali Week  2010 oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Sosca ayaa maalintii Axada Jul 11 2010 lagu soo gabagabeeyay garoonka weyn ee centennial park stadium Toronto Canada .

Waxaana cayaarta Finalka isugu soo baxay  kooxda Northern Stars iyo kooxda Rogester Newyork.

Cayaarta qeebteeda hore waxay ku dhamaatay 0/0 cayaarta qeebteedii labaad waxaa gool qurax badan madaxa ugu dhaliyay kooxda Northern Stars cayaartooyga numberka 8.

Rogester iyagana waxaa gool quruxbadan u dhaliyay cayaartooyga Number 11 oo cayaarta ka dhigay barbar dhac.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay  cayaarta  ayaa waxaa usuurta galay in goolkii labaad ay dhaliyaan kooxda Northern stars isla cayaartooygii hore ee goosha u dhaliyay asiga oo muujiyay cayaar wanaag.

Sidaasna waxaa koobkii 2010 ku guulaystay kooxda Northern Stars.

Sidoo kale waxaa ciyaaraha fudud soo qaban qaabiyay macalin musse Nasir oo ka mid ah cayaartooda waaweyn ee Soomaaliya.

50M oo ay ku tartameen Gabdhaha waxaana ku guulaysatay Xaliimo Cusman

100M na waxaa ku guulaystay Mohamed Cali

200M na waxaa ku guulaystay Zakariya Mohamed

400M na waxaa ku guulaystay Bile Hasan

 Waxaa cayaarahaan inoo suura geliyay inay qabsoomaan shirkada Dahabshiil iyo shirkada Qaran express

 Waxaana cayaarahaas odoy u ahaay macalin Duke iyo Macalin Musse iyo Cantar Jeenyo 

 Sidoo kale waxaa jiray tartan under 18 years old waxaan ku guulaystay Rogester newyork.

Sidoo kale waxaa jiray tartan under 12 years old waxaan ku guulaystay Xuud team.

 Waxaana kaalinta labaad galay kooxda Sosca

SOSCA RAMADAN CUP 2010

Dhamaan kooxdaha reer Toronto waxaa loo sheegayaa in la qaban doono tartanka sosca Ramadan Cup 2010. Wixii faa-faahin aha kala xiriiri.

Liban Shariif 647-405-7956. Sheekh Mohamud 416-230-3559

W/D Liban Shariif
lee_va21@yahoo.com




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line