• Masuuliyin Iyo Xubno Ku Sugan UK Oo Isaga Baxay Ururka SSIFO

Shir ay isugu yimaadeen Mas'uuliyiin iyo xubno ka tirsanaa Ururka SSIFO ee ku nool UK ayaa lagu qabtay woqooyiga London, waxaana ka soo qayb-galay:

1)Guddoomiyaha guddiga tababarayaasha SSIFO Dr. Osman Hussein Shiis.

2)Wakiilka Diaspora ee Ururka SSIFO Abdullahi Haji Ereg ”Haji”,ahna guddoomiyaha ururka kubadda koleyga “Sombas” ee Sweden.

3)Guddoomiyaha Diasporada, ahaana xubin ururka SSIFO Mohamed Macallin.

4)Guddoomiyaha New Generation Abdiqani Abdullahi “Cabdiqani Jeenyo”.

5) Guddoomiya ku xigeenka xiriirka dibadda ee HANDBALL Maxamed C/llahi Cali , ahaana xubin ururka SSIFO.

6)Nasir saleeban Omar (Sakhbadhe) xubin ururka ssifo

7)Bashir Moalin Mohamed xubin ururka ssifo

8)Xaawo Shiikh Axmed “Xaawo Taako” , Xubin ururka haweenka SSIFO.

9)Gudd.ku xigenka X.S.K.KOLEYGA Inj Bana Ali oo goob jog ahaa. iyo dad badan oo kale.  

Ugu horrayn waxaa halkaasi warbixin dheer ka soo jeediyay Dr. Osmaan Hussein “ SHIIS” oo isagu si aad ah ugu fogaaday aasaasitaankii ururkan SSIFO oo uu ku sheegay in markiisii horeba u qaybsanaa 2 qaybood oo iska soo hor jeeda oo ku nool London kuwaa oo kala ahaa : Qayb diidan in xiriirka kubadda koleyga iyo Olimbikada lala shaqeeyo iyo qayb u taagnayd horumarinta kubadda koleyga.

Waxaad halkaa ka garanaysaa in muddo 8 bilood ah ururkaasi baaxadda wayn ee SSIFO uusan waxba qaban. Waayo dadkii hor kacayay ma aysan u cuntamin jagooyinkii maamul ee hoggaanka ururka ay ku taamayeen , kuna soo kiciyeen rag faro badan oo iyagu magac iyo maamuus ku lahaa kubadda koleyga, hase yeeshee aanan ilaa haatan si dhab ah ula socon gunta hoose ee mushkiladda ururka SSIFO .

Ujeedooyinka ugu weyni ee dad badan loo colaadiyay ayaa waxay ahayd :

1) Ku guul daraysigii hoggaanka sare ee ururka SSIFO ay ku doonayeen oo meesha ka baxday ,waayo dadkii hor kacayay UK ma aysan u cuntamin jagooyinkii maamul ee hoggaanka ururka ay ku taamayeen , kuna soo kiciyeen rag faro badan oo iyagu magac iyo maamuus ku lahaa kubadda koleyga, hase yeeshee aanan ilaa haatan si dhab ah ula socon gunta hoose ee mushkiladda ururka SSIFO.ujeedada Markaasi waxaa ay ahayd in ay is hoos keenaan bahdii kubadda koleyga ee qurbaha ee madashaashi isugu timid oo aan iyagu ku baraarugsanayn jillaafada halkaasi ka socotay kuwaasi oo lahaa , Cayaartoy,garsoorayaal. Macallimiin,Taageerayaal, IWM.

2) In ay ku muquuniyaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga waxa ay iyagu doonayaan oo SSIFO ay noqoto awoodda kaliya ee jirta ee lagula dagaalo hogganka isboortiga ee dalka ka socda iyo dibaddaba, xiriirkuna noqdo mid ka amar qaata ururka SSIFO iyada oo la adeegsanayo shaqsiyaadka sharafta badan ee isboortiga ee isugu yimid London, Hase yeeshee taasi ma dhicin oo waxaa is hor taagay dadka ay haatan mucaaradka ku noqdeen.

3)In ay iyagu noqdaan “Shiikhul Kulli” oo wax ku saabsan kubadda koleyga Soomaalida London iyo qurbahaba aanan la qaban Karin, la isuguna imaan Karin haddaysan iyagu horboodayn” Waa Cajiib”.

Dr. Osman Shiis Waxaa kale oo uu ka hadlay Wada shaqaynta xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga iyo Ururka SSIFO, waxaana uu halkaasi ka caddeeyay in ilaa haatan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo ururka SSIFO aysan wax wada shaqayn la yiraahdo isku af garan , waxaase jirta oo aan caddaynayaa xiriir talefoon uu XSKK ku codsaday in ay soo sheegaan ururka SSIFO qaabkii loo wada shaqayn lahaa , arrintaasina aad loo daahiyay warqaddii......Dabadeedna inta lagu jiray arrintaasi uu xubin ka mid ah mas'uuliyiinta ururka SSIFO uu ku eedeeyay guddoomiyahii waqtigaasi Mudane Aadan Xaaji Yabaroow” Wiish” inuu yahay kaligii Taliye, taasina ay keentay inuu hakad galo xiriirkii ururka SSIFO uu ka filayay XSKK.

Daahfurkaasi dabadeed ayaa waxaa kaloo halkaasi lagu lafo guray qodobo badan oo ay ka mid ahaayeen:

A) Guushii Dhallinyarada qurba joogta ee kubadda koleyga ay ka soo hooyeen cayaarihii lagu qabtay jabuuti kaasoo ay daadihinayeen macallimiinta qaranka ee Shiikha iyo Axmed Daahir.

B)Qaabka ugu wanaagsan ee loo caawini karo isboortiga dalka Soomaaliya ee dagaalada daba dheeraaday ay ku habsadeen.

C)Hadafkii ururka SSIFO loo abuuray oo ahaa horumarinta kubadda koleyga gudaha iyo dibadda oo qaar ka tirsan mas,uuliyiintiisa UK ay si cad oo aan ganbasho lahayn ugu tunteen, iyaga oo xubnahaasi qaarkood ay waliba caddeeyeen inaysan sinnaba ula shaqaynayn XSKK iyo kan Olimbikada.

D)Iyada oo aflagaado iyo cay aan ganbasho lahayn loo gaystay macallimiinta xulka qaranka ee Shiikha iyo Axmed Daahir iyo waliba xiddigtii qaranka Xaawo Taako oo dhammaantooduba ah dad u taagan horumarinta kubadda koleyga.

E)Iyada oo mas'uuliyiinta ururka qaarkood ay si cad u taageereen aflagaadadii la gaystay, taasoo muujinaysa inay raalli ka yihiin aflagaadadaasi la gaystay amaba ay iyagu ka soo shaqeeyeen mu'aamaradaasi.

F) Is hor taag iyo mucaaradnimo lagala hor yimid guddoomiyaha New Generation Cabdiqani Jeenyo iyo Xaawo Taako oo ahaa shaqsiyaadkii u kacay dhallinta yaryar ee kubadda koleyga London, muddo gaaban gudahoodana waxqabadkooda laga dareemay meelo badan...Taasoo dhalisay in ayagiina la curyaamiyo, waxna uusan qaban ururka SSIFO muddo 8 bilood ah oo uu ururku jiray.

G)Iyada oo aan ilaa haatan waxba loo qaban caruurta Soomaaliyeed ee UK ku nool , la iskuna taxalujin in la abuuro ama la soo saaro caruur yaryar oo mustaqbal leh.

H)Shirarkii ururka SSIFO oo laga dhigay mid ay dad gaar ah ay ka qayb-galaan , iyada oo aan laga qaybgalin dhammaanba xubnaha ururka intooda kale eek u nool UK.

I) u diyaargarowga iyo ka qayb-galka cayaaraha dhallinyarada ee kubadda Koleyga oo ka dhacaya Sweden 2009. Markii wax badan ay arrimahaasi ka doodeen waxay go,aan ku gaareen in ay isaga baxeen ururkii SSIFO,iyaga oo u arkay inuu yahay urur ay ku midoobeen dad horusocod ah oo raba inay meel gaarsiiyaan kubaddii koleyga ee Soomaaliya, haybaddii iyo sharaftii ay ummadda Soomaaliyeed ku lahayd kubadda koleygana soo celiyaan iyo qaar iyagu lugta jiidaya oo aan raalliba ka ahayn in horay loo socda.

Sidaasi darteed waxaa diidaya damiirkanaga inaan ka sii mid ahaano ururka SSIFO oo u muuqda mid ay marin habaabiyeen dad yar oo mas'uuliyad xumi weyni ay ka muuqato. Waxaa kale oo la go'aamiyay in la dardargaliyo hawlihii kubadda koleyga ee ururka Somali New Generation uu waday, ayna hoggaaminayeen Cabdiqani Jeenyo iyo xaawo Taako, lana soo saaro jiil yaryar oo ku wanaagsan k/koleyga, iyo in laga qayb galo cayaaraha ka dhacaya waddankaasi Sweden. Waxaa kale oo halkaasi ammaan looga jeediyay dhallinyaradii cayaartooyda K/Koleyga Diaspora ee ka qa qayb galay tartankaasi iyo macallimiintoodii Shiikha iyo Axmed Daahir oo muujiyay dadaal iyo karti dheeraad ah.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi cod dheer lagu sheegay in xubnihii halkaasi isugu yimid ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan , gacan siiyaan ,waxna la qaybsadaan cid allaale ciddii ka shaqaynaysa horumarka K/Koleyga Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba.

TALO: Sidoo kale dadkii shirkaasi isugu yimid waxaa ay talo u soo jeediyeen Raadiyaha Somaliweek ee ku hadla codka mucaaradka, inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha la isku hayo ee ururka SSIFO, Ninka hoggaminayana waa in uu ka waantoobo erayada aan ka fiirsiga lahayn ee xaqiiqadeeda uusan haynin ee dhinaca u janjeedha uu bulshada ku habaabinayo iyo kuwa qabyaaladda iyo aflagaadada xambaarsan ee wax u dhimaya sharafta raadiyahiisa , waana inuu ogadaa in xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga uusan cidna kala tashanayn qofka uu mas'uuliyad uu u soo magacaabayo.

Gunaanad: Gunaanadkii shirka waxaa halkaasi laga soo jeediyay inay habboon tahay in laga gudbo arrimaha cakiran ee is hortaaga ah ay wadaan ragga caadada ka dhigtay xumida, looguna caqli celiyo in ay ka waantoobaan una soo jeestaan in waddanka wax loo qabto ee aan la fiirsan shaqsiga maanta xilka haya oo berrito iska tagi kara, laakiin la fiiriyo wanaagga.horumarka iyo danta caamka ah ee ummadda Soomaaliyeed.

 

Mahadsanidiin
DR. Osman Shiis

 

 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line