a
   
  • Dhallinyarada iyo dhalinta cuslaatay ee xiddigaha oo final soo wada gaaray

Tartankii kubadda cagta ee ka socday magaalda Toronto "Summer Cup 2014" ayaa soo gaaray Final. Tartankani oo ay soo qaban qaabisay uruka TODAY, ayaa waxaa loo qeybiyay seddax qeybood.

Qeyta kowaad waxaa ku tartamayay caruuta ay da'dooda ka hoyseyso 15 jir (U15) oo ay ku loolamayeen 4 kooxd. Ciyaartii finalka ee tartankani ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Ethiopian Stars iyo kooxda FT Academy. Kooxda FT Academyayaa 1-0 ku badisay sidaana koobkii ku qaatay.

Qeybta labaad ee koobka dhallinyarada (Youth) ayaa waxay ka koobnayeen 6 kooxood oo kala ah : Dixon Fc, Xiddigaha, Downtown, Seif, Ethiopian Stars iyo Black Stars.

Wixii hadba ay koox harta ugu dambeyntii waxaa ciyaarta kama dembeynta Final isugu soo haray kooxda Xiddigaha ee uu tababre u ayahay Hamada iyo Downtown uu tababaro Cumarey Baarba

Qebybta seddaxaad oo ay ku loolamayen dhallinta cuslaatay (seniors) ayaa ciyaarta finalka waxaa isugu soo haray Seif oo tababare u ah Cabdullahi Yusuf iyo Xiddigaha oo tababare u ah Cabdalla Saalax "Faris"

Ciyaarta finalk ee dhallinyarada iyo dhallinta cuslaatay ayaa waxaa la qaban doonaa maalinta Axadda oo ay bishu tahay August 31,2014.

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line