• Xiddigaha oo cashar u dhigtay Black Stars

Waxaa magaalada Toronto si xiiso leh uga socday tartankii la magac baxay Summer Cup 2014. .

Ciyaarihii dhacday maalinta Axadda oo ay bishu ahayd June 29, 2014 ayaa waxaa wada ciyaaray Ciyaartii kooxda xiddigaha oo ah kooxda keliya oo ku wada guuleysatay dhamaan affartii kullan oo ay u safatay iyo kooxda Black Stars.

Ciyaartani oo aad u xiiso badnayd ayaa bilowgii ciyaartaba waxaa gool ku hormartay kooxda xiddigaha. In yar kadib ayaa Black Stars ay heleen goolkii bar bar dhaca.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-1. Qeybtii labaad ayaa ciyaarta ayaa kooxda xiiddigaha ay halkaasi ka dhaliyeen 3 gool oo daran doori ah. Dhamaadkii ciyaarta oo ay 5 daqiiqo ka harsan tahay ayaa Black Stars ay dhaliyeen goolkii labaad waxayna ciyaartani ku dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku raacay xiddigaha

Ciyaartii labaad ayaa waxaa fooda is dary kooxda Dixon iyo Downtown waxayna labadan kooxood isla dhaafi wayeen 2-2, iyagoo labadan kooxoodba soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan.

Kala horeynta kooxaha

TEAM MP W D L GF GA PTS
XIDDIGAHA 4 4 0 0 11 3 12
SEIF 4 2 1 1 8 5 7
DOWN TOWN 4 1 1 2 7 8 4
DIXON 3 1 1 1 6 6 4
BLACK STARS 3 1 0 2 8 8 3
ETHIOPIAN SC 4 0 2 2 4 11 2



 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line