Home|


Xafladii xiritaanka cayaaraha xagaaga Stockholm

Dhamaadkii ciyaartii Finalka kadib ayaa waxaa lagu qabtey garoonka Duvbo xafladii xiritaanka ciyaaraha xagaaga Stockholm. Xafladaas ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo abaabuley.
Waxaa ka soo qayb galay siyaasiin badan oo ka socdey magaalada Stockholm sida dad magac weyn ku leh sportiga Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin ciyaartoy hore iyo masuuliyiin wax ka soo maamuley sportiga Soomaalida, fanaaniin iyo wariyayaal ka socdey saxaafada kala duwan.

Ugu horeyn waxaa xaflada hadal kooban ka jeediyey gudoomiyaha gudida qabanqaabada ciyaaraha Stockholm Abukar dhabarey. Gudoomiyuhu waxaa uu mahad balaadhan u soo jeediyey dadweynaha faraha badnaa ee habeen iyo maalinba soo buuxinayey garoonka, qurxiyeyna ciyaaraha, waxaa kale oo uu u mahad naqay dhamaan maamulka iyo ciyaartoydii kooxihii ka soo qayb galay tartanka, ciyaartoydii hore ee Soomaaliyeed, dhamaan shakhsiyaadkii iyo ururadii gacanta weyn ka geystey tartanka.

Intaa kadib waxaa iyana xaflada hadal kooban oo guubaabo iyo amaan ah ka soo jeedisey marwo Maryan oo ka socotey degmada lagu qabtey ciyaaraha ee Sundbery.

Sidoo kale waxaa isna khudbad qiimo badan oo daweynuhu u guuxeen ka jeediyey John Frans oo ah siyaasi ka socday barlamaanka dalka Sweden. John waxaa uu sheegey in uu salaan uga sido ra'iisul wasaaraha dalka Sweden iyo wasiirka isdhexgalka. Waxaa kale oo uu John sheegay in wasiirka isdhexgalku iman doono oo ka soo qayb gali doono ciyaaraha xagaaga ee sanadka soo socda. Mudanahu waxaa uu ku guubaabiyey dadweynihii iyo masuuliyiintii maamulaysay ciyaaraha in ay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda, dawlada iyo dalka Sweden-na ay marnaba ilaai doonin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale xaflada khudbad qiimo badan ka soo jeediyey gudoomiyaha ururka isbahaysiga Soomaaliyeed C/qaadir Nuur Madaxay. Gudoomiyuhu waxaa uu ummadda soomaaliyeed ku booriyey in la midoobo oo isku meel loo wada jeesto. Gudoomiyuhu waxa uu tibaaxay in haddii gacmaha la is wada qabsado in ay saamayn weyn ku yeelan karaan siyaasada dalka Sweden.

Gudoomiyaha ururka dalada dhalinyarada Sweden ee SSUF mudane Ahmed Hassan, ahna musharax u tartamaya kuraasta gobolka Stockholm ayaa isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey, waxaanu u soo jeediyey dadweynaha Soomaaliyeed in lagu dadaalo midnimada iyo in laga dheeraado qabyaalada.

Waxaa iyana xaflada xiritaanka ka hadashay Sahra Barkhad oo ka tirsan uruka haweenka ee Xaawo Taako. Sahra ayaa u mahadnaqdey dhamaan dadweynihii iyo masuuliyiintii ka soo qayb qaadatey habsami u socod siinta tartanka.

Ugu dambayntii waxaa hadal kooban ka soo jeediyey madasha xaflada xiritaanka ciyaraha xagaaga Nuur Husein Jeenyo oo ah aabaha Sportiga Soomaaliyeed.
Nuur waxaa uu amaan iyo mahadnaq u soo jeediyey daweynihii, masuuliyiintii iyo ciyaartoydii ka soo qayb gashay tartanka. Waxaa mudane Nuur sidoo kale u soo jeediyey dadka reer Stockholm in ay midoobaan, iskana ilaaliyaan wixii keeni kara khilaaf, isla markaana la ilaaliyo sumcada magaalada, oo hadda lagu tilmaamo hooyada Sportiga Soomaaliyeed.

Intaa kadib waxaa la bilaabay qaybinta iyo gudoonsiinta biladaha iyo hadiyadaha loogu talo galay xiritaanka tartanka. Waxaa bilado la gudoonsiiyey ciyaartoydii iyo maamulkii kooxda Finland oo gashay kaalinta sadexaad, waxaana gudoonsiiyey Awees Fuundi oo ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka soomaaliyeed iyo kooxdii horseed. Waxaa iyana abaal marin la siiyey kooxda London stars oo galay kaalinta labaad ee tartanka, waxaana gudoonsiiyey macalin Giftin oo ahaa tababarihii kooxdii madbacada. Koobkii tartanka ciyaaraha xagaaga ayaa waxaa la gudoonsiiyey kooxda Denmark, waxaana gudoonsiiyey mudane Nuur Hussein Jeenyo.

Sidoo kale waxaa bilado iyo hadiyada la gudoonsiiyey; Kooxda Holland oo noqotey kooxdii ugu anshaxa badnayd dhamaan kooxihii ka soo qayb galay tartanka.
Tababare Islaw ayaa ku guuleystey tababarihii ugu wanaagsanaa ee tartanka. Gool hayihii Finlad Bawil ayaa loo doortey gool hayihii ugu wanaagsanaa tartanka, waxaa la siiyey bilad, waxaana gudoonsiiyey Macalin Shiine Guhaad. Ciyaartoygii ugu wanaagsanaa tartanka waxaa noqdey Mustafe Dahir oo ka tirsa kooxda Denmark, waxaana gudoonsiiyey Mukhtaar Cuti oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsaneyd qaranka soomaaliyeed iyo kooxdii batroolka. Ciyaartoygii ugu goolasha badnaa tartanka waxaa uu ahaa Ahmed Yaasiin oo ka tirsan Denmark,waxa uu dhaliyey 6 gool.

Waxaa sidoo kale hayidad la gudoonsiiyey Liibaan Cosoble (Lii) oo ka tirsan kooxda Holland, waxaana loo aqoonsadey taageerihii ugu mudnaa tartanka ciyaaraha.
ugu dambayntii waxaa hadiyado la gudoonsiiyey Ilhaan Cismaan, Radio Dalmar, Makhaayada Guduudow , Shabeele iyo Fardawsa Husein oo dhamaantood qayb libaax ka soo qaatey habsami u socodkii tartanka

Waxaa xaflada xiritaanka tartanka dadweynaha maaweelinaayey labada fanaan ee kale ah C/xakiim Fara Yare iyo Super Khalid, waxaana dhamaadkii xaflada la gudoonsiiyey labada fanaanba bilado.

Xaflada ayaa ku dhamaatey jawi heer sare ah oo farxad iyo rayn rayn galisey dhamaan ka soo qayb galayaasha.


Radio Dalmar
Dubvo, Stockholm