|
Kooxda kubadda koleyga ee SYDOM ayaa ku guulaysatay koobkii kubadda koleyga ee lagu maamuusayay bishii barakaysan ee Ramadaan , taasoo ciyaartoodii kama dambaysta ahayd ay isku haleeleen kooxda Distant Relatives oo ka socotay magaalada Rochester. Cayaarahaasi ayaa waxaa ay si xiiso badan uga socdeen bishii ramadaanka oo dhan magaalada Rochester oo qiyaastii 70 mayl u jirta magaalada Minneapolis. Tartankaasi isaga ah ayaa waxaa ka qaybgalayay kooxo ka kala socday magaalooyinka Minneapolis, Rochester,Willmar iyo St,Cloud. Ciyaarihii ugu xiiso badnaa ee Semifinalka ayaa waxay dhexmareen kooxahii kala ahaa : 507 iyo Sydom , waxaana halkaasi ay guushii ku raacday kooxda Sydom oo la timd 78 dhibcood, halka kooxda 507 ay ka keensadeen 46 dhibcood....ciyaartii labaad oo iyaduna ahayd mid aad u kulul ayaa waxaa isku haleelay kooxda Distant Rogers iyo FME (Fresh Money Entertainment),waxaana guushii ay halkaasi ku raacday kooxda Distant Rogers oo iyagu keensaday 59 dhibcood, halka kooxda FME ay ka keensadeen 55 dhibcood. Ciyaartii kama dambaysta ahayd (Final), ayaa lagu qabtay garoonka kubadda koleyga ee Regional Sports Center (Rochester),waxaana halkaasi isaga hor yimid Kooxda Distant Relatives oo masalaysay Rochester iyo Kooxda Sydom.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa qaybtii hore ee ciyaarta waxaa si aad ah ugu gacan sarreeyay kooxda SYDOM oo iyadu soo bandhigtay cayaar qaab difaaceedkeedu uu ahaa (Man to Man Press) oo u suurogalisay inay dhibco badan ku hoggaamiyaan kooxda Distant Rogers oo iyadu kari waysay inay jabiyaan difaacii adkaa ee Kooxda Sydom.waxaana qaybtii hore ee cayaarta ay ku soo dhamaatay Sydom oo hogaanka ku haysay 48 dhibcood, halka kooxda Distant ay ka lahaayeen 36 dhibcood....Qaybtii labaad ee cayaarta ayaa Inamdii Distant Rogers ay si aad ah wax uga badaleen qaab ciyaareedkooda, iyaga oo toogashooyinka dhaadheer ee saddexda ku qarqiyay goolka Sydom...waxaana u suurogashay in daqiiqadihii ugu dambeeyay ee cayaarta ay la soo sinmaan xagga dhibcaha..cayaartiina guud ahaan waqtigii loogu talogalay waxaa ay ku soo dhammaatay barbardhac oo kastaa ay la timid 90 dhibcood. Sidii caadudu ahayd 5 daqiiqo oo dheeri ah ayaa lagu daray,haddana labada kooxood waxaa ay isla dhaafi waayeen min 94 dhibcood, waxaan ay galeen (Double Over time). 3 dex daqiiqo oo dheer ah ayaa lagu daray, waxaana inamada kooxda Sydom u suuro gashay inay halkaasi goolal ku dhaliyaan, halka kooxda Distant Rogers ay kari waayeen inay halkaasi wax dhibic ah ka keensadaan, waxaana guushii ay halkaasi ku raacday kooxda SYDOM oo keensatay 100 dhibcood, halka kooxda Distant Relatives ay ku itaal beeleen 94 dhibcood. Guddoomiyihii qabanqaabada tartankaasi Rochester Mudane Saciid Yuusuf Muumin oo ku magac dheer (Ali Saciid) oo isagu xiritaankii tartanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhammaanba kooxihii tartanka ka soo qaybgalay, waxaana uu u hambalyeeyay kooxda SYDOM iyo tababarahooda Shiikha oo iyagu ku guulaysatay tartankii koobka Ramadaanka kubadda koleyga ee Rochester. Waxaa iyaduna xusid mudan muddadii cayaaraha ay socdeen waxaa u soo daawasho tagi jiray qaar ka tisrsanaa cayaaryahannadii Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga. Dabadeed waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii: Kaalinta 1aad kooxda Sydom. Kaalinta 2aad kooxda Distant Relatives Sidoo kale waxaa halkaasi koobkii cayaarwanaagga (MVP-Most Valuable Player) la guddoonsiiyay Axmed Quarterback oo ka socday kooxda Sydom. W/D Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|