• TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN DAHIR GACAMEY

Waxaa dhawanahan dalka Sacudiga ku geeriyooday allaha u naxaristee Daahir Cisman Farah Bool "Dahir Gacamey"

Haddaba waxaa inoo suurta gashay inaan wareysi kooban la yeelano Mukhtar Mohamed Ahmed "Mukhtar Cuti" oo ay AUN Dahir Gacmey saaxib dhow ahayeen.

Wareysigani ayaa wuxuu u dhacay sida tan"

Busuri: Mukhtar marka hore waxaan jeclaan lahaa inaad wax inooga sheegto goorta aad is barateen AUN Dahir Gacmey.

Mukhtar Cuti: Intaan ka jawaabin su'aashaasi waxaan marka hore jeclaan lahaa inaan tacsi u diro dhamaan eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday AUN Saaxibkeen Dahir Gacmey, gaar ahaan xaaskiisa Nuuna Cumar iyo affartii caruur uu ka tagay. Waxaan ilaahey ugu baryayaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo dhamanteena samir iyo imaan naga siiyo.

Haddii aan u soo noqod su'aashaadi jawabteedi Dahir waxaan is baranay innago caruur ah markii aan dhiganeynay fasalka labaad ee dugsiga hoose. Dahir iyo aniga waxaynu isku fasal ahayn ilaa aan ka dhameyno dugisga sare.

Dugisa hoose markii aan dhiganeynay waxaa naloo beddelay dhowr dugsi sida dugsiyada hoose/dhexe Hodan, Dhagax tuur, Primo Luuliyo, iyo dugsiga Howl wadaag.

Dhanka dugisga dhexe waxaa wada dhiganay dugisga 21ka November. Dugsiga sarena waxaan ka wada baxnay dugsiga sare ee Banadir.

Busuri: Madaam muddo badan aad saaxibo ahaydeen maxaad inooga sheegi kartaa taariikhdisa oo kooban.

Mukhtar Cuti: AUN Daahir Cisman Farah "Dahri Gacmey" Wuxuu ku dhashay magaalaa Muqdisho gaar ahaan xaafadda Waaberi, markii dambe waxay usoo gureen Howl Wadaag.

Dahir Yarantiisa wuxuu aad u jeclaa ciyaarta kubadda cagta, isagoo ahaa ciyartooy aad u fiican. Aniga iyo isaga waxaan u wada ciyaari jirnay schoolka ilaa iyo yaraanteena taasi oo keentay in saaxiibtinimdeena sii dheeraato.

Waxaan ku guuleysanay koobka tartankii dugsiyada inagoo markaasi ku ciyaareynay magaca dugsiga dhexe ee 21ka November.

Sannadkii 1977 ayuu Dahir ka mid noqday ciyartooyda heerka labaad (Serie B) ee kooxda Dowladda hoose "Munishiibiyo". Dahir ayaa anigane igu qal qaaliyay inaan u ciyaaro koox. Anigoo raacay taladiisa ayaa waxaan ka mid noqday ciyaartooyda Serie B ee Batroolka.

Ciyaarihii gobolada ee 1977 ayaa waxaa magaca gobolka Banadir ku ciyaartay kooxda Madbacadda oo ku guuleysatay koobkii Serie B ee sannadkaasi.

Madbacadda ayaa kooxihii kale kasoo qaadatay shan ciyaartooy si ay ugu qeybgasho ciyaaraha gobolada. Dahir wuxuu ka mid ahaa shantani ciyaartooy ee la soo qaatay, sidaa ayuuna kaga qeybgalay ciyaarihii gobolada.

Sannadkii 1978 ayuu Dahir ku biiray kooxda heerak kowaad (Serie A) ee Munishiibiyo. Dahir intaanu ku biirin Munishiibiyo waxaa isku qabsaday kooxda Horseed iyo Munishiibiyo. Dacwad badan ka dib kooxd Horseed ayaa iska ogolaatay inuu Dahri ka mid noqdo ciyaartooyda Munishiibiyo.

Markii ugu horeysay ee uu Dahir soo galo garoon wuxuu ahaa mar u dhaawacmay Nuur Gaab, intaa wixii ka dambeeyay Dahir wuxuu ka mid ahaa 11ka ciyaartooy ee safka hore kaga jira kooxda.

Sannadkii 1980 kii Aniga iyo Dahir waxaan ka mid noqonay ciyaartooyda xulka qaranka (Junior National Team).

Sanadkii 1982 waxaan ku guuleysanay tartankii bariga iyo bartamaha ee lagu qabtay Muqdisho.

Dahir Gacmey AUN intaanu ka fariisan ciyaaraha ayaa wuxuu muddo kooban ka mid noqday ciyaartooyda kooxda Wagad (FIAT) iyo kooxda Batroolka oo aan wada ciyaarnay.

Sannadkii 1986 ayuu Dahir ka dhoofay wadannka isagoo markaasi aaday Sacudiga, kadibna Holland markii dambana degay London UK.

Intii uu Dahir deganaa London wuxuu aas'aasay koox kubadda cagta ah ee la magac baxday London Stars isagoo tababare u ahaa.

London Stars ayaa waxay ku guuleysatay koobkii Somali Week Toronto 2007. Sidoo kale London Stars waxay ku guuleysatay dhowr koob ee lagu qabtay Yurub gaar ahaan Swedan iyo UK.

Dhowr sanno ka hor ayuu Dahir hadda dib ugu laabtay wadanka Sacudiga, isagoo degay Maka halaasina uu ku geeriyooday allaha u naxaristee.

W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line