• Tababar ku saabsan kubadda Kolayga oo u furmay dugsiyaa Gaalkacyo

Markii ugu horeeysay dugsiyada magaalada Gaalkacyo ayaa ka faa’ideysan doona tababar la xiriira barashada sharciyada kubadda gacanta ee loo yaqaano Kolayga,waxaana la sheegay inuu socon doono muddo saddex maalin ah.

Guddoomiyaha Isboortiska gobolka Mudug,Cabdi-hodon Dayax-leef ayaa daah furay tababar la la xiriira kubadda Kolayga oo ay ka qayb-galayaan dugsiyada hoose iyo dugsiyada sare ee magaalada Gaalkacyo,waxaana la
bari doona xubnaa ka socda sharacda iyo sida loo bixin karo tababarrada ciyaartooyda.

Dayax-leef ayaa sheegay wax lugu farxa inay tahay markii ugu horreeysay inay tababar qaadanayaan macalliminta dugsiyada Gaalkacyo,kuwaaso baran doona kubadda gacanta ee Koleyga.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Koleyga gobolka Mudug,Cabdi-xakiin ayaa isna dhankiisa sheegay inay-tahay horumar Gaalkacyo in la bari doona ardeyda kubadda Koleyga,waxuuna dhankiisa sheegay inay dadaal ku bixin
doonan sidii dhallinyarada kubadda Koleyga jacel ay helan fursado ay ku ciyaaran.

Maamulaha dugsiga sare ee Cumar Samater oo marti-galinaya tababarka kubadda Koleyga Saciid ayaa isna u mahadceliyay macalimiinta bixinaya tababarka ,waxuuna sheegay in ardeyda dugsiga sare ay ubahan-yihiin
kordhinta aqoonta kubadda Koleyga.

“Waan isku soo xilqaannay in wadan-kooda si faloontari ah ugu qaabano tababarka iyo qaabka kubada koleyga loo maamulo,waxaana diyaar u nahay wax walba oo kubadda Koleyga ku saabsan in ah baridoono ardayda kuma
ee kaanaysoo Gaalkacyo kali ah waa gobollada Puntland,Gaalkacyo,Garoowe Qardho,Boosaaso dhammaan waan tagayna wana gaarsiinaynaa aqoonteena madaama aan nahay bahda Isboortiska Puntland waxana u mimiid in aan caawino dhallinyarada aqoonta aan baranaay waxana muhiim ah qof walba aqoonta u bartaay in u ku caawiyo bulshada reer Puntland si hormar loogaaro,”sida waxaa si wada jir ah u sheegay macalimiinta tababarka bixinaya ee kala ah,Cali Aamin Maxamed (Madoobe) iyo Cabdirisaaq Marayaare.

Tan iyo dowladii dhexe ee Soomaaliya ma jirin tababarro ku aadan kubadda Koleyga oo lugu qabtay deegaannada Puntland,waana markii ugu horeeysay oo u tababarkan furmo.
 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line