|
Barnaamijkii xiddigaha oo aan markasta kaga hadalno taariikhda ciyaareed ee ciyaartooydii hore, waxaan maanta idinkugu haynaa tababaraha xulka qaranka wiilasha kubadda kolleyga Cabdulqaadir X. Dahir oo loo yaqaano "Shiikha". Waxaanu nasiib u yeelannay inaan tababare Shiikha kula kullanno magaalada Toronto, isagoo ka soo qeygbgalay tartankii todobaadka Soomaalida ee Toronto 2010. Taariikhda sport ee Shiiha halkan laguma soo koobi karo, balse waxaan isku dayi doonaan inaan u soo gaabino sida tan: Taariikh Kooban: C/Qaadir Xaaji Daahir “Shiikha” waxa uu ku dhashay magaalada Mogadishu sanadku markuu ahaa 1963 kii waxa uuna waxbarashadiisa ilaa iyo dugsiga sare uu ku soo dhamaystay isla magaaladaasi Mogadishu asagoo ka deganaa degmada C/Casiis ama Kaambo taasoo ay ku noolaayeen tiro aad u badan oo ka mid ah taageerayaashii kubadda kolayga Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo aan ku sifayn karaa inuu shiikha ahaa shaqsi miisaankiisa dhinaca cayaaridda K/koleyga uu aad u heer sarreeyay lana jaanqaadi karay cayaaryahannada K/koleyga caanka ka ah ee dunida hadduu heli lahaa fursad uu kaga cayaaro dibadda,sidoo kalena waxaa uu aad ugu dadaalaa soo saaridda iyo horumarinta dhallinyarada soo koraysa. Taariikhdiisii cayaareed oo kooban:
Waxaa iyaduna xusid mudan in cayaaryahanku uu kala qayb-galay kooxaha Jeenyo iyo Muqdisho cayaaro caalami oo ay ka qayb-galeen isagoo ciyaaryahan Shiikha uu dhinaca kalena ka mid ahaa tababarayaashii kooxda naadiga badda heerka 1aad ee gabdhaha iyo wiilasha iyo waliba tababareyaashii degmada Cabdicasiis, waxaana uu soo saaray ciyaaryahanno magac iyo maamuus ku yeeshay kubadda koleyga Soomaaliyeed. Shiikha waxa uu dalkii hooyo ka soo tagay 1990 kii wuxuuna hadda ku noolyahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halkaas oo uu tababar kubada kolayga ah ku siiyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u faro badan kuwaasi oo uu ka caawiyo xirfadda barashada aasaaska kubadda koleyga. (Fundamentals Basic of Basketball). W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|