• 60 Ciyaartooy oo tababar looga furay Muqdisho si loo helo xul qaran adag

Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga ayaa furay tababar yoolkiisu yahay in la helo Ciyaartoy mustaqbal wanaasgan ku leh ku Kubadda kolayga,


Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga ayaa lixdan ciyaaryahan ka soo xulay kooxaha kubadda kolayga ciyaartoydan ayaa laga sii xuli doona afartan ciyaaryahan ku waasoo
loo diyaar garayn doono tartanka xiddigaha Kubadda Kolayga.

Tartankan ayaa lagu wadaa in uu xiriika qabto marka uu soo idlaayo Koobka Jan, Daa’ud oo heerka semi finalka maraya .

Dhanka kale xiriirka ayaa sheegay in tartanka Xiddigaha laga xuli doono ciyaartoyda u qalanta in ay matasho Xulka Qaranka Kubadda Kolaya Soomaaliyeed.

Tababarkan waxaa bixinaya Cabduqaadir Xaaji Dasahir “Shiikha” oo ka mid ahaa Xiddigihii ugu wanaagsanaa Kubadda Kolayga Dalkeena.

Xiriirka ayaa dhanka kale sheegay in Ciyaartoda xulka qaranka dalka aanan kaliya lagu xuli doonin ciyaar wanaagooda basle qiimayn lagu samayn doono anshaxa inta uu socdo tartanka.

Ciyaartoyda tababarka qadanasya qaar kamid ah oo ka halday ayaa sheegay in qorshahan u ahaa mid ay mar hore u baahnaayeen in ay helaan balse hadda ay ka faa’iidasan doonaan.

W/D Xuseen Maxamed Hadafow
Xiddigaha Muqdisho, Somalia
Hadaafoow7@gmail.com

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line