• XSKK Oo La Dardarmay Tababarayaal Ka Qeybgalaya Course

MUQDISHO: Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen Cali "Roombo"ayaa maanta kulan baraarujin iyo dardaaran la qaatay tababarayaasha K/Koleyga ee dhawaan ka qeybgalaya Tababarka heerka 1-aad " Coaching course level 1" kaas oo dhawaan ka furmaya dalka Djibouti.


Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin kooban oo ku saabsan Tababarka ka soo jeediyay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale oo sheegay in Xiriirka K/Koleyga Dadaal xoogggan u galay sidii loo horumarin lahaa aqoonta Tababarayaasha Kubadda Koleyga isla markaasna ay iminka u suragashay in ay helaan Tababarkan oo ah Heerka 1-aad [Level 1 Coaching Course] isagoo tilmaamay in xiriirkooda ku dadaali doonaan sidii ay heli lahaayeen Tababaro heerarka sare ee Kubadda koleyga si ay sare u marto aqoonta Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliyeed.


Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed Ibraahim Xuseen Cali [ROOMBO] ayaa isaguna tibaaxay in xiriirka kubadda koleyga uu mar walba diiradda saarayo dhan horumarinta.

“Dalka daruufo nabadgelyo xumo ayaa ka jirta , lakiin macnahuhu ma`aha in aan ka baaqsano horumarka waxaana loo baahan yahay in aad tababarkan ka faa`deysataan oo aad halkan kula soo laabataan aqoon iyo xirfad aad u gudbisiin ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga.” Sidaasna waxaa tababarayaasha ku adkeeyay Guddoomiye Roombo oo intaasi ku daray in tababaraayasha muujiyaan asluub iyo dhago nugayl ay uga faa`deysanayaan aqoonta loo gudbinayo.

Kusimaha Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Drs. Khadiija Aadan Daahir ayaa waxay Guddoonka XSKK ugu mahadcelisay sida ay dadaalayaan horumarinta Tababarayaasha, waxayna kula dardaarantay tababarayaasha nasiibka u helay tababarkan in ay noqdaan kuwo aqoontooda u gudbiya walaalahooda aan nasiibka u helin tababarka.


Gabagabadii kulankan ayaa waxaa Isboorti u waramay Guddoomiyaha XSKK Mr. Roombo oo tibaaxay in ay gacan ka gaysanayaan Tababarkan FIBA iyadoo dhanka maalgelintana ka qeybqaadanayso Olympic Solidarity waxaana dhanka fulinta uu kaga mahadceliyay Guddiga Olymbikada Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo tababar heer caalami ah ay ka qeybqaataan 10 Tababare dhanka Kubadda Koleyga iyadoo hore tababarada noocan oo kale si keli keli u dhici jireen.

W/D Said Ibrahim Buuna


 

 





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line