• Tartankii Ramadaanka ee Atlanta oo la soo xirayā€¸

Waxaa la soo gabagabeeyey Tartankii Kubadda Cagte ee lagu weyneynaayey Bishii barakeysneyd ee Ramadaan ee lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka,waxaana tartankaasi soo abaabulay Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta iyo Dhalinyarao u jajaban Isboortiga,waxaana Tartankaasi uu ku soo dahamaaday Guul iyo Reyn-reyn,waxaana sanadkaani ka soo qeyb galay Afar Kooxood oo runtii diyaargarow wanagsan u soo galay,waxayna kala ahaayeen GUULED CAFE TEAM,TAXI TEAM,SAFAARI TEAM IYO ARENA TEAM,waxayna kooxahaasi dhamaantood muujiyeen farsamo ay runtii u riyaaqeen taageerayaashii reer Atlanta oo dawashada tartankaasi si joogta uga qeyb galay.

Waxaana Tartankaasi sanadkaan Ciyaartii kama dambeysta aheyd isku soo baxay Kooxaha kala ahaa Safaari Team iyo Koox ku Ciyaareysay magaca Taxi team,waxayna labaduuduba soo bandhigeen Ciyaar farsamadeedu ay aad u sareyso oo dadweynihii ka soo qeyb galay ay u riyaaqeen,waxaana ugu dambeystii guushii qaaday Kooxdii ka so cotay Taxi Team oo sanadkaan la soo shirtay Ciyaar aad iyo aad u sareysa kuna dheehantahay farsamo casriyeeysan taa oo u saamaxday in ay si dhib yar ah ay u hantaan Koobkii loo tartamaayey,anigoo halkaan uga direyna Hambalyo ku aadan Guushaas Taariiqiga ah.

waxaa Ugu horeyntii halkaa warbixin dheer ka soo jeediyey Xoghayaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka isla markaana ah Tababaraha Kooxaha Juuba Mudane Cabdulqaadir xasan Cadde(CAYDIID JEENYO),waxaana uu halkaa ka sheegay in ay Tartankaani ka soo qeyb galeen illa afar kooxood ,waxaana la ciyaaray illa 77 Ciyaarood oo runti aad iyo aad noo farxad gelisay siiba Farsamadda ay kooxahaasi soo muujiyeen,waxaana uu u hambalyeey Kooxdii kui guuleysatay,Mudane Caydiid Jeenyo waxa kaloo uu sheegay in dhawaan Guddiga Isboortiga uu u safri doono Magaaladda Virginia halkaa oo ay kaga qeyb geli doonaan Tartamadii lagu qaban jiray Magaaladaasi oo sanadkaan 30 Jirsatay,waxaa kaloo dadweynaha reer Atlanta uu u sheegay in loo diyaargaroobo Tartamadda Atlanta lagu qaban doono Bisha November ee fooda nagu soo hayso iyadoo sanadkaan loo galaayo abaabul xoog leh.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Gudoomiyey ku xigeenka Guddiga Isboortiga iyi dhaqanka Mudane Aweys Muse Arbow(AWEYS FUUNDI) oo ka mid ah aasaasayaashii Guddiga isboortiga iyo dhaqanka isla markaana Taarikh dheer ku leh Isboortiga guud ahaan gaar ahaan Kubbadda Cagta,waxaana uu marka hore u hambalyeeyey Guddigii u xilsaarnaa abaabulka Tartankaani isagoo cadeeyey in ay gudigaasi sanadkaani ay qabteen shaqo lagu faani karo,waxaana uu u rajeeyey in mustaqbalka sida iyo si ka wanagsan loo abaabulo tartamadda fooda nagu soo hayo,Mudane Aweys Fuundi waxa uu carabka ku adkeeyey in ay wanagsantahay in laga qeyb galo Tartamadda Goboladda kale lagu qabanaayo oo aan lagu soo uruurin inlaga qeyb galo oo keli ah Tartamadda lagu qabanaayo Gudaha Atlanta,taa waxay keeneysaa in aan la ogaanin Farsamadda Ciyaartoydeena halka ay gaarsiisan tahay,waxaana Mudane Aweyn Fuundi halkaa loogu tumay sacab aad iyo aad u sareeyey.

Waxaa kaloo Xafladii Xiritaanka ka hadlay Mudane Tababare Sare Maxamed xaaji Giftin oo meel sare ka gaaray Tababarnimadda soona noqday Tababare Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxihii Madabacadda iyo Wagad,waxaana Tababare Giftin uu u hambalyeeyey Kooxihii sanadkaan ka soo qeyb galay iyo farsamadii ay muujiyeen,isagoo sheegay in markaan Abaabula Isboortiga ee Atlanta uu gaari doono meel sare iyadoo xooga la iskuugu geyn doono in la helo Kooxo Matala Atlanta oo ay farsamadeedu sareyso,waxaana halkaa Tababaraha loogu tumay sacab aad iyo aad u sareeya.,waxaana Xafladaasi joog ka ahaa Mudane AXMED XASANoo sanadkaan u tartamaayo in uu ka mid noqdo Golayaasha Degaanka ee Xaafadda

CLARSTON,Dr.Mike MIKE SPINO OO KA SOCDAY INTER. ATHLETIC CENTER OF ATLANTA,Dr. Cali Cusmaan Cali,Maxamed Ismaaciil Tafare,jaamac cali(Jaamacey) iyo Cabdirashii Dheere oo ay Guddiga isku raaceen in uu xubin ka noqdo Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ka dib markii uu muujiyey firficooni aad iyo aad u sareysa.,waxa kaloo Xafladaasi joogay Mudane AADEN GAABANE OO KA SOCDAY JAALIYADDA ATLANTA,waxaana qadka teleefoonka uga qeyb galay Gudoomiyaha Somali-American Center Mudane INJ. CUMAR SHEEKHEY u hambalyeeyay Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali iyo Xubnaha Guddigaasi oo runtii u soo shaqeeyey si hagar la'aan ah 12kii sano ee ugu dambeysay,taa oo ay ku heleen xurmad iyo sharaf ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaaladda Atlanta,waxaana uu ku booriyey in ay halkaa ka sii wadaan dadaalka isago u muujiyey in ay la garab istaagayaan wax alla waxii awoodooda ah tartamadda fooda nagu soo hayo,waxaana ay xafladii ku soo gabagabowday guul iyo reyn-reyn.

W/D Dr Cali Cismaan

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line