• Istar iyo Kabul Oo Isla Dhaafi Waayey 1-1

     

 

Today Winter Cup 2011: Kullankii labaad ee tartankan oo ay wada ciyareen dhamaan 8dii kooxood ee ka soo qeybgashay, ayaa ciyaartii ugu xiisaaha badnayd waxaa wada ciyaaray kooxda Istar iyo kooxda Kabul.

Labdan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar ay aad ugu riyaqeen dadweynihii u soo daawashada tagay.

Kooxda Kabul ayaa iyadu goolka kowaad ku hormartay. Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Istar ay iska soo guday goolkaasi. Inkastoo labadan kooxood ay heleen fursado qaali ah haddana way iska wada qasaariyeen. Gabagabadii ciyaarta waxaa lagu kala tagay 1-1.

Kullamadii kale ee isla habeenkaa dhacay ayaa kooxuhu waxay u kala badiyeen sida tan: Somali Hall of Fame 0-3 Dixon. Al-Hilal 1-2 Somali Stars. Toronto Stars 3-0 Y. Generation.

W/D Mohamed Busuri




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line